Xamaas oo laga sugayo jawaab ay ka bixiso soojeedin xabad-joojin

Image
Aqalka Cad ayaa sheegay in jawaabtan loosoo marsiin doono dowladda Carbeed ee Qadar.

WASHINGTON, USA - Jawaabta kooxda iska caabinta Falastiin ee Xamaas ee ku aaddan hindisaha xabbad-joojinta ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa weli la sugayaa, sidda laga soo xigtay Aqalka Cad.

lataliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan ayaa u sheegay warfidiyeenka.

"Waxaan jawaab ka sugeynaa Xamaas iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaasha Qatar," Sullivan ayaa yiri.

"Agaasimaha CIA Bill Burns ayaa ku sugnaan doona Doha si uu ula tashado dhexdhexaadiyeyaasha Qatar hindisaha xabbad joojinta Gaza," Sullivan ayaa raaciyay.

Qatar ayaa Gaza ka dhex dhexaadineysay Israel iyo Xamaas.

Raiisel wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa weli ah mid aan mugdi ku jirin oo uu "dal-daloolo" ka helay soo jeedinta Biden halka saaxiibadiisa xagjirka ah ay ka soo horjeedaan heshiis kasta oo xabbad joojin ah oo lala galo Hamas.

Waxay ku hanjabeen inay jabin doonaan xukuumadda isbahaysiga ee Netanyahu haddii uu aqbalo heshiiska Biden.

Afhayeen u hadlay Xamaas ayaa dhanka kale ku celiyay in aysan aqbali karin wax heshiis ah ilaa ay Israa’iil samayso go’aan "cad" oo ah xabbad-joojin joogto ah iyo inay gebi ahaanba ka baxdo go'doominta Gaza.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM