Xariiri oo mar kale iska casilay xilka ra'iisul wasaaraha Lubnaan
BAYRUUT, Lubnaan - Ra'iisul wasaaraha la magacaabay ee Lubnaan, Sacad Xariiri, ayaa xilka ka degay Khamiista maanta ah kadib markii uu ku guul dareystay inuu soo dhiso dowlad sideedii bilood ee la soo dhaafay. Xariiri ayaa is-casilay kadib kulan kooban oo uu kula qaatay Madaxweyne Michel Aoun Qasriga Baabda.
"Waxaan ka laabtay sameynta dowladda," ayuu u sheegay wariyeyaasha. Wuxuu dalbaday xoogaa isbadal ah, oo uu u arkay inay muhiim yihiin, wuxuuna yiri "waxaan awoodi waynay in aan isfaam gaarno. Ilaahayna ha badbaadiyo dalkan".
Xiriiri ayaa lagu soo waramayaa inuu kaga hadli doono dadaallada lagu dhisayo dowladda ee fashilmay wareysi telefishanka laga qaadi doono gelinka dambe ee Khamiista. Xafiiskiisu wuu ka gaabsaday inuu ka hadlay cidda wareysaneysa.
Is-mari-waaga siyaasadeed ayaa taagnaa tan iyo markii dib loo magacaabay Xariiri bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, in kasta oo cadaadis diblomaasiyadeed uu ka yimid Faransiiska, Sacuudi Carabiya, iyo Mareykanka. Midowga Yurub wuxuu ku hanjabay inuu cunaqabateyn saari doono saraakiisha Lubnaan.
Xariiri wuxuu soo jeediyay Arbacadii dowlad 24-wasiir ah, iyadda oo majaladda maxalliga ah at tibaaxdey in Aoun uu dalbadey sideed wasiir, oo ay ku jiraan wasaaradaha gaashaandhigga iyo arrimaha dibedda.
Sida ku xusan warbixinta, Xariiri iyo Aoun waxay ku murmeen tiradda iyo qaybinta dawlad cusub. Aoun ayaa u soo jeediyey Hariri in la ciribtiro matalaada masiixiga taasoo meesha ka saareysa nidaamka awood qeybsiga ku saleysan diinta, halka Xariiri uu ku eedeeyay Aoun inuu doonayo qeyb aad u balaaran oo dhanka dowlada ah.
Markii uu is casilay bishii Oktoobar 2019 kadib dibadbaxyadii looga soo horjeeday dowladda ee waddanka oo dhan, Xariiri ayaa dib loo magacaabay sannad ka dib, isaga oo ku dhaartay in uu meel isugu keenayo dowlad soo saari doonta dib-u-habeyn dhaqaale.
Tan iyo dabayaaqadii 2019, Lubnaan waxay la halgameysay dhibaato dhaqaale in ka badan kala bar dadkeeda ku riixday fakhriga isla markaana qiimo beelisay lacagteeda maxalliga ah qiyaastii 90 boqolkiiba.
Beesha Caalamka ayaa waxay ku tartarsiisay mas'uuliyiinta sarre ee Lubnaan in ay xalliyaan khilaafaadka siyaasadeed isla markaana la meel-mariyo dowlad dhaqan-gelin doonta dib-u-habeyn dhaqaale si loo furo balaayiin doollar oo gargaar ah isla markaana ay dhaqaalaha uga dhigto mid mar kale ku laabta darajadii fiicneyd.
GAROWE ONLINE