Xarunta Cilmiga Xiddigiska ee Caalamiga oo sheegtay maalinta ay ku soo aadayso Ciida

Image
Waxaa jira 8 wadan oo ku dhawaaqi doona in maalinta Arbacada ah ee 10-ka April ay tahay maalinta 1-aad ee Ciidul Fidriga.

Abu Dhabi (GO) - Xarunta Cilmiga Xiddigiska ee Caalamiga ayaa sheegtay in 8 waddan ay ku dhawaaqi doonaan in Arbacada ay tahay maalinta 1-aad ee Ciidul Fidriga 2024, marka loo eego xisaabinta xiddigiska.

Waxaa jira 8 wadan oo ku dhawaaqi doona in maalinta Arbacada ah ee 10-ka April ay tahay maalinta 1-aad ee Ciidul Fidriga, sida ay xarunta sheegtay, waana dalalka laga soomay maalintii Isniinta ee 11-ka Maarso, kuwaas oo kala ah:

1- Masar
2- Sacuudi Carabiya.
3- Imaaraadka.
4- Qatar.
5- Suuriya.
6- Kuwait.
7- Baxreyn
9- Algeria

 

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM