UK oo cunaqabateyn kusoo rogtay madaxwayne ku xigeen

Image
Teodoro Obiang Mangue ayaa lagu eedeeyay inuu iibsaday guryo waaweyn iyo baabuur. [Photo: GettyImages]

LONDON, UK - Madaxweyne ku-xigeenka Equatorial Guinea oo la sheegay inuu ku bixiyay $275,000 gacan-gashiga uu xirtay Michael Jackson ayaa kamid ah shan qof oo lagu soo rogay cunaqabateynta cusub ee "la dagaalanka musuqmaasuqa" ee Ingiriiska.

Teodoro Obiang Mangue oo wali aan si rasmi ah uga jawaabin xayiraadda lagu soo rogay ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu iibsaday guryo waaweyn iyo baabuur.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK Dominic Raab ayaa tibaaxay in cunaqabateyntan cusub lagu bartilmaameedsaday "shakhsiyaad jeebkooda jeexjeexay iyagoo muwaadiniintooda daneynaya".

Afarta bartilmaameed ee kale waxay u kala dhasheen Zimbabwe, Venezuela iyo Iraq. Hase ahaatee, illa ahaatan laguma soo bandhigin magacyadooda warbixintan ay faafisay BBC-da.

"UK waxaa ka go'an la dagaallanka musuqmaasuqa iyo in lala xisaabtamo kuwa mas'uulka ka ah waxyeeladeeda dhinaca dhaqaalaha," ayuu yiri Mr Raab oo lagu soo xigtay warbixinta.

Wuxuu raaciyey: "Musuqmaasuqu wuxuu baabi'inayaa hantida ummadaha saboolka ah, wuxuu dadkooda ku hayaa faqriga waxayna sumeeyaan ceelka dimuqraadiyada".

Mr Obiang oo kamid ah maalqabeenadda Equatorial Guinea waa wiilka madaxweynaha Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema Mbasogo waxaana loo magacaabay wasiir dowladeed sanadkii 1998.

Cunaqabateynta boqortooyadda UK waxay aalaaba diiradda saartaa hantida maguurtada ah iyo tan lacagta ah ee shaqsiyaadka la magacaabay. Sidoo kale, waxay ka mamnuuceysaa muwaadiniinta Britain in ay la macaamilaan ama in hantidooda geliyaan UK. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM