Xifaaltanka Imaaraadka iyo Qadar oo u talaabay Hollywood

Image

ABU DHABI, UAE - Filimka "The Misfits" ee uu maalgeliyey soona saarey Isu-taga Imaaraadka Carabta ayaa lagu dhaleeceeyay "inuu dhiiragelinayo ololaha Islaam naceybka ee ka jira Bariga Dhexe iyo dunida Muslimiinta".

Iyadda oo soo-saaraha iyo qoraaga uu yahay muwaadinka reer Imaaraad ee Mansoor Al Dhaheri, filimkan ayaa inta badan waxaa diiradda lagu saarayaa Abu Dhabi iyo "Jazeeristan" oo loola jeedo Qadar.

Filimku waxaa laga jilay sheekada koox tuugo ah, oo doorarkooda ay cayaarayaan Pierce Brosnan iyo Richard Pace, kuwaasoo malaayiin ka xadaya dal ay ugu yeerayaan "Jazeeristan," oo ah Qatar iyo Al Jazeera, telefishinka caalamiga ah ee wararka ku baahiya luuqada Ingiriiska kaasoo in Imaaraadka iyo Sucuudigu ay si weyn u doonayaan in albaabada si rasmiya loogu xiro.

"The Misfits" oo ku qeexaya Qatar fariisinka Ikhwaanul Muslimiin, Al Qaacida iyo maalgeliye argagixisada caalamiga ah ayaa Bariga Dhexe wuxuu ku sifeynayaan gobol ay hareeyeen colaad, rabshado hubeysan iyo aafooyin.

Wiilka uu dhalay madaxa Ikhwaanul Muslimiinka ayuu ku tilmaamayaa mid asalkiisu yahay Carab "kaasoo maandooriyaha ka ganacsatada isla markaana lacagta uu ka helo kooxdiisa ku geliyey jihaad".

Qadar iyo muwaadiniinteeda ayuu sidoo kale wuxuu soo jeedinayaan in ay taageeraan kooxaha argagixisada ee caalamka. Balse, waa sheegashooyin ay had iyo goor Dooxa ganafka ku dhufato sheegashooyinkaas.

Magacyada Carabta ayaa si dadban loogu maadeysanayaan guud ahaan filimka. Mid ka mid ah dadka dhaliilaya filimka ayaa ku sifeeyay wax aad looga xishoodo in Dubai ay maalgeliso wax-soo-saar noocaan oo kale ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo shirkada Hollywood ay ku lug-yeelato is-qabqabsiga dowladaha Carabta si lamid ah olole ka dhan ah Islaamka iyo isku-dayo lagu sawir-xumeynayo Muslimiinta.

Sannadkii 2006-dii, dokumentari ciwaan looga dhigay ‘Reel Bad Arabs: How Hollywood Vilifies a People’ ayaa lagu lafa guray in ka badan 1,000 filim iyo sida badankoodu ay si xun ugu muujiyaan dadka deggan Bariga Dhexe.

Sikastaba, filimka 'Misfits' ayaa la rumeysan yahay in uu si adag qeyba uga yahay taariikhdaas cunsuriyadda Hollywood ee sawir-xumeynta muslimiinta iyo Carabta, balse waxa hadda cusub waa in Carabtu maagelisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiskii Nukliyeerka Mareykanka iyo Sacuudiga oo Khilaaf ka Dhex Abuuray Maamulka Trump

Wasaaradda Tamarta ayaa dhinaceeda beenisay inay si madax-bannaan u shaacisay heshiiska…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:15AM

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM