​Xiisad ka dhex oogan Mareykanka iyo Turkiga

Image

WASHINGTON DC- Booqasho diblomaasi sare oo Mareykan ah uu kowdii bsihan ku tagay magaalada ku taalla xadka Syria ee Kobani iyo kulamo uu la yeeshay hogaamiyayaasha Kurdish-ka ayaa xuddun u ah muran sii ballaaranaya oo u dhaxeeya Ankara iyo Washington.

Saraakiisha Turkiga ayaa waxaa ka carreysiiyey kulan Brett McGurk oo ah ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Obama u qaabilsan Syria uu la yeeshay kooxda Kurdish-ka ee PYD, oo Turkiga ay u arkaan inay ku xiran tahay kooxda PKK.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa isaga oo ka carreysan booqashadaasi waxa uu yiri “Sideen idiin aamni karnaa, ma waxaa saaxiib idin la ah aniga, mise argagixisada ku sugan Kobani”.

Wada-hadal qaatay hal saac iyo 20 daqiio oo jimcihii teleefonka ay ku yeesheen, ayay Anakra sheegtay in Obama uu ugu xaqiijiyey Erdogan in Turkey ay xaq u leedahay inay is-difaacdo, uuna walaac ka muujiyey kooxaha Kurdish-ka ee kusii siqaya dhinaca xuduudda ee magaalada Aleppo.

Taageerada Washington ay siiso kooxda PYD ayaa ah arrinta xuddunta u ah muranka weli socda ee kala qeybinaya Mareykanka iyo Turkiga, iyo go’aanka Mareykanka ee ah in ka adkaanshaha Daacish laga hormariyo in Assad xukunka laga tuuro. 

Xigasho: VOA

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM