Xiisada Qadar iyo Imaaraadka oo u gudubtey furin cusub

Image
Labadan dowladood ayaa ku loolamaya sidii ay ugu gacan-sareyn lahaayeen siyaasada dalkaas.

DOOXA, Qatar – Qatar kuma fekereyso inay caadi iska dhigto xiriirka ay la leedahay Suuriya, waxaana ay rajeyneysaa in dalalka kale ay ka niyad jabaan inay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo ay la galaan dowladda Bashar al-Assad, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.

Hadalka uu ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, oo ku sugan magaalada Washington, ayaa jawaab u ahaa su’aal laga weydiiyey booqashadii uu toddobaadkan magaalada Dimishiq ku tagay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Imaaraadka Carabta.

Qatar waxay ka mid ahayd dhowr dowladood oo ay ku jirto Sacuudi Carabiya oo taageertay fallaagada dagaalka sokeeye ee Suuriya tobannaan sano ka socday. Qaar ka mid ah sida Imaaraadka ayaa isku dayay inay caadi ka dhigaan xiriirka ka dib markii Asad uu dib u qabsaday inta badan dalka.

Imaaraatka Carabta ayaa horaantii sanadkan ku baaqay in Suuriya dib loogu celiyo xubinimada Jaamacadda Carabta. Talaadadii, wasiirka arrimaha dibadda Sheikh Abdullah bin Zayed ayaa kula kulmay Assad Dimishiq booqashadii ugu horeysay ee sarkaal sare oo imaaratka ah tan iyo markii uu qarxay dagaalka sokeeye.

Washington, oo ka soo horjeeda dadaallada lagu doonayo in lagu soo celiyo xiriirka kala dhexeeya Asad illaa laga gaarayo horumar ku yimaadda in xal siyaasadeed oo ku wajahan colaadda, ayaa xustey inay ka walaacsan tahay tallaabada Imaaraadka oo ka mid ah xulafadiisa.

Blinken oo ka hadlaya Shirkii jaraa'id ee Jimcihii wuxuu carabka ku adkeeyay in Maraykanku uu ka walwalsan  yahay "calaamadaha ay soo dirayaan qaar ka mid ah booqashooyinkan iyo hawlgelintan".

Bishii hore, al-Asad waxa uu taleefoon kula xidhiidhay Boqorka Urdun Cabdallaha II. Wadahadalka waxaa ka horreeyay in si buuxda dib loo furay marinka xudduudaha ee u dhexeeya labada waddan bishii Sebtembar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM