Xiisadda siyaasadeed ee Armenia oo weji cusub yeelatay

Image

YEREVAN, Armenia – Madaxweynaha Armenia, Armen Sarkissian, ayaa diiday inuu saxiixo amar ra’iisul wasaare si shaqada looga eryo taliyihii guud ee ciidanka, taasoo sii murjisay xiisadda siyaasadeed ee qarankaas.

Waddanku wuxuu wajahay jahwareer tan iyo markii Raiisel wasaare Nikol Pashinyan uu saxiixay heshiis nabadeed oo uu garwadeen ka ahaa Ruushka bishii Nofeembar kaasoo qiray guul darro ceeb ah oo ka soo gaaray Azerbaijan kadib lix toddobaad oo dagaal qaraar uu ka socday gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Kala qeybsanaanta ayaa sii korortay Khamiistii markii Pashinyan uu ka dhaga adeegay dalabka militariga ee ahaa inuu is casilo, isagoo ku eedeeyay isku day afgambi wuxuuna amar ku bixiyay in xilka laga xayuubiyo taliyaha guud ee ciidanka, Onik Gasparyan.

Sabtidii, Sarkissian ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuusan taageeri doonin shaqo ka ceyrinta.

"Madaxweynaha jamhuuriyadda, isaga oo ku saleynaya awoodiisa dastuuriga ah, wuxuu ku soo celiyey dikreetada qabyo qoraalka diidmo," ayay tiri madaxtooyadu.

Waxay intaas ku dartay "qalalaasaha siyaasadeed laguma xallin karo isbeddellada ciiamadda ee soo noqnoqda".

Dhiniciisa, Pashinyan wuxuu ku adkeystay inuu markale codsanayo dalab ah is casilaada Gasparyan.

"Go'aankani wax ka tari maayo xallinta xaaladda gabi ahaanba," ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay Facebook. "Waxaan markale u dirayaa codsi ah in shaqada laga eryo madaxii ciidamadda guud ee madaxweynaha jamhuuriyada, anigoo filaya in lagu saxeexi doono si waafaqsan nidaamka loo dajiyay".

Pashinyan wuxuu wajahayay baaqyo isa soo taraya oo ku aadan inuu ka tago xafiiska taliska guud ee booskiisa.

Galinkii hore ee maalintaas, 5,000 oo mudaaharaadayaal mucaarad ah oo ruxayay calamada Armenia kuna baaqayay is casilaada Pashinyan ayaa isugu soo ururay maalintii seddexaad iyagoo ku banaanbaxaya banaanka xarunta baarlamaanka ee caasimada Yerevan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM