Xildhibaan Bilyineer ahaa oo shil diyaaradeed ku dhintey

Image

PARIS, Turkey - Bilyaneer Faransiis ah ahna xildhibaan Olivier Dassault ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo Axadii ka dhacay gobolka waqoygaku yaala ee Normandy.

Maalqabeenkan 69 jirka ahaa ayaa wuxuu ka tirsanaa xisbiga muxaafidka ah ee Les Republicains (LR) tan iyo sanadka markii uu ahaa 2002-dii.

Sidda ay warisay saxaafadda, shilkan oo ka dhashay diyaarad nooca qumaatiga u kacda taasoo Dassault uu si shaqsi ah u watay ayaa burburtay waxyar kadib markii ay ka duushay guri uu ka deganaa xeebta loo tamashlo tago ee Deauville.

Duuliyihii ayaa sidoo kale wuxuu ku dhintay shilkaas. Dassault wuxuu awoow u ahaa Nakhshadeeyaha Diyaaradaha Dagaalkii Koowaad ee Adduunka Marcel Dassault.

Sidoo kale, waa aasaasaha shirkadda soo saarta diyaaradaha ee Dassault Aviation. Intaas waxaa wehlisa, in uu yahay mulkiilaha wargayska Le Figaro, iyo wiilka ugu weyn bilyaneerka duulimaadyadda Serge Dassault.

Isaga iyo labadiisa walaalo ee ka yar iyo walaashiis, Dassault wuxuu dhaxlay mid ka mid ah qoysaska ugu waaweyn ee nasiibka u yeeshay Faransiiska.

Sidda laga soo xigtey Bloomberg Billionaires Index, Dassault wuxuu ahaa ninka 12-aad ee ugu taajirsan Faransiiska iyo kan 361-aad ee adduunka, iyaddoo hantidiisa lagu qiyaasay $ 7.15 bilyan, sidda ku cad qiimeynta Forbes ee 2020.

Ugu dambeyntii, wuxuu iska casilay doorkiisii ​​guddiga sarre ee Dassault si uu uga fogaado dano is-diidaya oo ku saabsan xirfadiisa siyaasadda iyo ganacsiga uu ka tanaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM