Xisbiga talada haya ee Turkiga oo guuleystay

Image

02 November, 2015(GO)-Xisbiga haya talada dalka Turkiga ee AK, ayaa si weyn ugu guuleystay doorashooyinkii baarlamaanka, waxa uuna dib u helay aqlabiyaddii uu lumiyay muddo shan bilood ah ka hor.

Natiijada doorashadani ayaan si rasmi ah loo shaacin doonin muddo toddobo beri ah gudahood, balse maadaama la xisaabay ku dhawaad dhammaan codadkii la dhiibtay, waxa uu xisbigani AK helay ku dhawaad boqolkiiba 55 codadkii la dhiibtay, taasi oo micneheedu yahay in xisbigu uu haatan awoodo inuu maamulo baarlamanka dalkaasi ee ka kooban 550 kursi.

Guushaasi ayaa xoojin doonto awoodda madaxweyne Racceb Tayyib Erdogan oo aqlabiyaddaasi uu xisbigiisa helay ku tilmaamay cod loo qaaday xasiloonida iyo farriin loo diray maleeshiyaadka kurdishka ah taasi oo ah in rabshaduhu aysan marnaba la jaan qaadi karin dimuquraadiyadda.

Ahmet Davutoglu waxa uu khudbadii lagu yaqaanay ka jeediyay xarunta xisbiga ee Ankara. Waxa uu taageerayaashooda u sheegay in guul macweyn ku fadhida ay gaareen.

Magaalada dhanka bari ku taalla ee Diyarbakir, boolis waxa ay suntan dadka ka ilmeysiisa ku kala ceyriyeen taageerayaasha xisbiga Kurdiyiinta oo sheegay inay ka niyad jabeen natiijada doorashada.

Dibad baxayaasha dhankooda waxa ay boolisla ku tuurayeen dhagxaan iyo baaruud.

Mucaaradka dhankooda waxa ay qirteen in doorashada looga adkaaday, waxayna tilmaameen in xisbiga talada haya ay kula xisaabtami doonaan tallaaba kastaa oo uu qaado.

Xigasho: BBC

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM