Xisbiga Trudeau oo lumiyey aqlabiyadda xeerdejinta Canada

Image
Natiijadan aan wali si rasmi ah loo xaqiijin ayaa kasoo baxdey dagaal qaraaar oo uu la galay muxaafidka mucaaradka ah.

TORONTO, Canada - Xisbiga Liberal -ka ee Ra’isul wasaaraha Canada, Justin Trudeau, ayaa la saadaaliyey in uu ku guuleystay dowlad laga tiro badan yahay, sida ay saadaalisay warbaahinta guud ee dalkaas.

Natiijadan aan wali si rasmi ah loo xaqiijin ayaa waxay kasoo baxdey dagaal aad u qaraaar oo uu la galay xisbiga muxaafidka mucaaradka ah oo ah kan labaad ee ugu weyn waddankaas.

Balse, wuxuu la kulmay loolan adag oo ka yimid Conservative-ka, oo uu madax u yahay Erin O'Toole, waxayna khubaradu sheegeen in Trudeau, oo ahaa ra'iisul wasaare tan iyo 2015, uu ku dhibtooday inuu ka dhaadhiciyo inta badan codbixiyaasha sababta doorashada ay lama huraanka u tahay xilligii masiibada.

CBC News ayaa soo warisay goor dambe oo Isniintii ah in Liberal-ku ay heli doonaan kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka 44-aad ee Canada laakiin ay ka hoos mari doonaan marinka 170-kursi ee loo baahan yahay si aqlabiyadda u helaan.

Musharraxiinta Liberal -ka ayaa ku guuleystay ama hoggaaminayey 157 degmo doorasho abbaare 12.15am EST (04:15 GMT), sidda ay saadaasha CBC muujisay.

Natiijooyinka kama dambaysta ah ayaa laga yaabaa inaan la shaacin Isniinta, sida laga soo xigtey warbaahinta Canada, iyadoo saraakiisha doorashadu ay bilaabi doonaan tirinta boqollaal kun oo waraaqaha boostada lagu soo diro subaxnimada Talaadada.

Ololaha doorashada ayaa waxaa hareeyay welwelka COVID-19 iyo tallaalada khasabka ah, maalgelinta caafimaadka iyo daryeelka carruurta, qorshayaasha soo kabashada dhaqaalaha iyo guriyeynta, iyo arrimo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM