XMS oo qaadday mas'uuliyadda weerar lagu dilay dad Israa'iliyiin ah

Image
Xamaas iyo Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay kordhiyeen xabbad-joojinta.

QASA (GO) - Xamaas ayaa maanta ku dhawaaqday mas'uuliyadda weerarka ka dhacay magaalada Qudus kaasoo sababay dhimashada saddex qof oo Israa’iiliyyin ah.

XMS ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, "Gumeystuhu waa inuu Cabsi ku dareemaa magaalo, tuulo, waddo iyo luuq kasta, maadaama geesiyaasheena ay diyaar u yihiin aargoosi."

Maamulka Israa’iil ayaa sheegay in 3 qof ay ku dhimatay 12 kalana ay ku dhaawacmeen howlgal ay labo walaalo ah oo Falastiiniyiin ah ka fuliyeen iridda waqooyi-galbeed ee magaalada Quddus, halka booliska Israa’iilna ay shaaca ka qaadeen in ciidamadoodu ay dileen kuwii falkaas geystay.

Xamaas iyo Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay kordhiyeen xabbad-joojinta taasoo ka dhigaysa wadarta maalmaha Xabbad-joojinta 7 maalmood.

Inta lagu jiro muddadan, labada dhinac ayaa is dhaafsaday maxaabiis, iyadoo la filayo in howlgalka milateri ee Israa'iil oo dib uga bilaaban doono koonfurta Marinka Qasa haddii aan la gaarin heshiis lagu kordhinayo xabbad joojinta.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM