XMS oo warmurtiyeed ka soo saartay halka uu marayo heshiiska Xabadjoojinta

Image
XMS ayaa eedeymo Culus u jeedisay Israa'iil iyada oo ay wali sii socdaan wadahadallada.

Qasa (GO) - Dhaqdhaqaaqa XMS ayaa xaqiijiyay in ay muujiyeen dabacsanaanta loo baahan yahay si loo gaaro heshiis lagu joojinayo dagaalka Marinka Qasa, kuna eedeesay Israa’iil inay ka baxsanayaan fulinta qodobadaa heshiiska.

Xamaas ayaa bayaankeeda ku sheegtay: “Waxaan muujinay dabacsanaantii loo baahnaa iyada oo ujeedadu ahayd in la gaaro heshiis lagu joojinayo gardarada ka dhanka ah dadkeena, laakiin Israa’iil waxay weli ka caga jiidaysa meelmarinta heshiiskan.”

Warmurtiyeedka Ururka ayaa lagu yiri: “Waxaa sii wadi doonnaa wadaxaajoodka ay garwadeen ka yihiin wadamada walaalaha ah si loo gaaro heshiis fulinaya baahida iyo danaha dadkeena.”

Ilo sare oo ka tirsan dowladda Masar ayaa u warbaahinta in wadahadallada Israa’iil iyo XMS ay weli wajahayaan Caqabado, iyagoo xusay in wareeg cusub la qaban doono maanta oo Arbaco ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga: Israel waxay raadinaysaa fursad ay ku weerarto Iran

Wasiirka ayaa intaa ku daray inuu si toos ah uga muujiyey walaacyada uu qabo mas’uuliyiinta Iiraan intii uu booqasho ku joogay dalkaas.

  • Caalamka

    24-01-2026

  • 10:41AM

Trump oo ka laabtay casuumaaddii Canada ee “Guddiga Nabadda” kadib hadalkii Carney ee Davos

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka-qeybgalkeedu ku xaddidan yahay oo kaliya…

  • Caalamka

    23-01-2026

  • 01:05PM