Xoghayaha guud ee UN-ka: La imaada qorshe, ha u imaanina khudbad

Image

WASHINGTONG, US – Xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay, Antonio Guterres, ayaa waxa uu fariin u diray hogaamiyeyaasha caalamka hor shirka loo dhan yahay ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Fadhigaas oo loo balansan yahay 24-ka bishan September ayaa lagu wadaa in ay kasoo muuqdaan in ka badan 100 hogaamiyeyaal.

Ajendeyaasha kulanka ayaa waxaa safka hore uga jira isbedelka cimiladda iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaataddan.

Guterres oo qoraal soo saarey mar sii horeysay ayaa u sheegay madaxdda "in ay la yimaadaan qorshe, oo aysan u imaan khudbad".

"Waxaan lumineynaa isirkeena," ayuu yiri. "Isbedelka cimilada si dardar leh ayuu ku socdaa. Wayna kasii dareysa maalinba maalinta xigta".

"Waxaan lumineynaa isirkeena," ayuu yiri. "Isbedelka cimilada si dardar leh ayuu ku socdaa. Wayna kasii dareysa maalinba maalinta xigta".

Dalalka Afrika oo saameynta ugu daran ee isbedelka cilmiladu ku yeelanayo ayaa la rajeynaya in meertada 74aad ee fadhiga ee UN-ka uu kasoo baxo go'aano wax looga qabanayo mashaqadan.

Madaxweyne Donald Trump, oo qaadacay isbedelka cimiladda ayaa go’aankiisa waxa uu sii kordhiyey cadaadiska, waxaana Gutteres uu sheegayaa in khatarta ay gaareyso meel walba oo aduunka ah xitaa Mareykanka.

Sanadkii 2015-kii, Beesha Caalamka ayaa isku raacday in qaab cilmiyeysan loo wajaho isbedelka cimiladda, waxaana warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay lagu ayidday soo jeedintaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaanka Pakistan oo soo gebagebeeyay safar xal loogu raadinayo dagaalka Bariga Dhexe

Dadaalladan ayaa imanaya xilli cadaadis xooggan uu ka dhashay xiritaanka mar kale ee Marinka Hormuz.

  • Caalamka

    18-04-2026

  • 11:46AM

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM