Xukun lagu riday rag doonayey ku biirida ISIL-Somalia

Image
Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah shaqsiyaadkan oo kusoo wajahnaa magaalada Muqdisho. [Photo: Internet]

WASHINGTON, USA - Nin degan Michigan oo qirtay dambi ah in uu sku dayay inuu ka caawiyo walaalkiis inuu ka baxo Mareykanka si uu ugu biiro Daacishta Soomaaliya ayaa lagu xukumay xabsi ka badan 8 sano. Walaalkiis ayaa lagu xukumay xabsi lix sano iyo bar ah.

“Maxamud Cabdiqaadir Muuse waxaa lagu xukumay 98 bilood oo xabsi ah kadib markii lagu helay inuu maleegay inuu taageero maadi ah siiyay kooxda Dawladda Islaamiga ah," ayuu Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Mareykanka ee Degmada Galbeedka Michigan ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saarey Khamiista todobaadkii lasoo dhaafay.

Xukunsanaha koowaad ayaa lagu xiray Janaayo 2019 garoonka diyaaradaha Gerald R. Ford markii walaalkiis ka yar, Muuse Muuse, uu isku dayay inuu u duulo Muqdisho, Soomaaliya si uu ugu biiro ISIL-Somalia.

Muuse Muuse, oo isaguna qirtay dambigaas shirqool ah, ayaa, sida laga soo xigtay bayaanka saxaafadda lala wadaagay, waxaa lagu xukumay Talaasadii inuu xabsi ku qaato 78 bilood ah.

Sida ku cad qoraalka, Muuse waxaa xukunka looga khafiiyey in Maxamuud uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee qaatay fikirka kooxda Dawladda Islaamka wuxuuna gacan ka geystay xagjirnimada Muuse Muuse.

Adeerkood Maxamed Xaaji ayaa isna loo xiray isla eedeymo noocaan oo kale ah waxaa lagu waramay in uu aakhiritaankii qirtay dambiga. Xukunkiisa waxaa la qorsheeyay in lagu dhawaaqo 22 ka September.

Xeer -ilaaliyaha Mareykanka Andrew Birge ayaa hadal diyaarsan ku sheegay inuu “ka xun yahay” xukunka Muuse. Xafiiskiisu wuxuu u ololeynayey xukun 178-bilood ah, ama ku dhawaad ​​15-sano, xukun.

Shabakadan waxay ku fashilantay baaritaan ay sameeyeen saraakiil ka tirsan sirdoonka gudaha Mareykanka ee FBI-da kuwaasoo aalada Facebook-ga adeegsaday iskana dhigay in ay yihiin xubno taabacsan Daacish.

ISIS, ama Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Siiriya, waxay sheegataa inay awood diimeed u leedahay dhammaan muslimiinta balse waxay tahay koox argagixiso ah sidda al -Qaacida. Waxay "fulisaa dilal wadareedyo aad u xun iyo dilal dadweyne iyo weliba afduub".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM