Xutiyiinta oo duqeeyay garoon ku yaala Sacuudi Carabiya

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya - Sideed qof ayaa ku dhaawacmay kadib markii diyaarad aan duuliye lahayn ay weerartay Talaadadii garoonka caalamiga ah ee Abha ee Sacuudi Carabiya, sidda ay warisay Al Arabiya.

Sida ay muujineyso warbixinta, waxaa sidoo kale burbur soo gaarey qayb kamid ah madaarka. Dhaawacyadda dadka waxay isugu jiraan qaar jajab uu soo gaarey xubno kamid ah jirkooda.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in diyaarad rakaab ay waxyeello soo gaartay. Bayaan ka soo baxay isbahaysiga Carabta ee uu Sacuudigu hoggaaminayo ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay tahay tii labaad ee diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Xuutiyiinta ay qaadaan 24 saac gudahood.

Riyadh ayaa intaas ku dartey in nidaamkeeda difaaca uu ka hortagay weeraro kale iyada oo aan wax khasaare ah geysan, sida ku xusan waarbixinta kasoo baxdey isbahaysiga.

Dagaalka Yemen ayaa noqday mid is -mari waayay oo dhiig badan uu ku daato xitaa iyadoo ay sii xoogeysanayaan dadaallada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah ee lagu joojinayo dagaalka.

Xuutiyiinta ayaa bilihii la soo dhaafay dardar geliyay sidii ay u xakamayn lahaayeen gacan-ku-haynta dowladda saliidda hodanka ku ah waxayna sii kordhiyeen weerarada xadka ee ay ku hayaan boqortooyada.

Dagaalka Yemen wuxuu bilowday sanadkii 2014-kii, markii fallaagadu qabsadeen caasimadda Sanca, iyo inta badan waqooyiga dalkaas

Isbaheysiga milateri ee uu Sacuudigu hoggaaminayo ayaa soo farageliyay bilooyin kadib si ay meesha uga saaraan Xuutiyiinta una soo celiyaan dowladda caalamka aqoonsan yahay.

Sida ay sheegtay Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa, dagaalka ayaa wuxuu sababay dhimashadda ilaa 130,000 oo qof rayid ku jiraan wuxuuna dhaliyay masiibadii ugu xumayd ee bina-aadamnimo guud ahaan adduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Dib Ugu Celiyey Xuutiyiinta Yemen Liiska Argagixisada

Trump wuxuu meesha ka saaray go’aankii hore ee Biden oo ka qaaday…

  • Caalamka

    23-01-2025

  • 01:20PM

Sacuudiga oo $600 Bilyan oo maalgashi ah ku sameynaya Maraykanka

Safarkii uu Trump ku tagay Sacuudi Carabiya ee 2017 ayaa burburiyay caado hore oo ahaa in madaxweynayaasha Maraykanka.

  • Caalamka

    23-01-2025

  • 11:54AM