Xuuthiyiinta oo shuruudo ku xiray maraakiibta isaga kala goosha badda cas

Image
64 markab ayaa ka gudbay Badda Cas iyaga oo taagaya boor ku qoran "wax xiriir ah lama lihin Israel."

San’aa (GO) - Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqay in 64 markab ay ka gudbeen Badda Cas si nabad ah ka dib markii ay kor u qaadeen boor lagu qoray "wax xiriir ah lama lihin Israel."

Xubin ka tirsan golaha sare ee siyaasadda Xuutiyiinta, Muxammad Cali Al-Xuuti, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa “X” ku yiri, “Xalka ugu fudud ee loogu ogolaanaya maraakiibta in ay si nabad ah u maraan badda cas waa in ay taagaan boorka 'Wax xiriir ah lama lihin Israel”.

Waxa uu intaa ku daray, "Xalkan waxa uu caddeeyey waxtarkiisa, maadaama 64 markab ay si nabad ah uga gudbeen badda iyaga oo taagaaya boorkaas, tan iyo markii ay bilaabatay hawlgallada ka dhanka ah maraakiibta Israel bishii November ee la soo dhaafay.”

Mar sii horeysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in “Ansar Allah” ama “Xuutiyiinta” ay u aqoonsatay Urur Argagixiso oo caalami ah, taasoo jawaab u ah weerarada joogtada ah ee kooxdan ay ka wado Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM