Xuuthiyiinta oo shuruudo ku xiray maraakiibta isaga kala goosha badda cas

Image
64 markab ayaa ka gudbay Badda Cas iyaga oo taagaya boor ku qoran "wax xiriir ah lama lihin Israel."

San’aa (GO) - Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqay in 64 markab ay ka gudbeen Badda Cas si nabad ah ka dib markii ay kor u qaadeen boor lagu qoray "wax xiriir ah lama lihin Israel."

Xubin ka tirsan golaha sare ee siyaasadda Xuutiyiinta, Muxammad Cali Al-Xuuti, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa “X” ku yiri, “Xalka ugu fudud ee loogu ogolaanaya maraakiibta in ay si nabad ah u maraan badda cas waa in ay taagaan boorka 'Wax xiriir ah lama lihin Israel”.

Waxa uu intaa ku daray, "Xalkan waxa uu caddeeyey waxtarkiisa, maadaama 64 markab ay si nabad ah uga gudbeen badda iyaga oo taagaaya boorkaas, tan iyo markii ay bilaabatay hawlgallada ka dhanka ah maraakiibta Israel bishii November ee la soo dhaafay.”

Mar sii horeysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in “Ansar Allah” ama “Xuutiyiinta” ay u aqoonsatay Urur Argagixiso oo caalami ah, taasoo jawaab u ah weerarada joogtada ah ee kooxdan ay ka wado Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM