Xuutiyiinta oo diyaarado aan duuliya lahayn ku weeraray Israa’iil

Image

SANCA (GO) - Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay mas'uuliyadda duullaanka maanta lagu qaaday Israa'iil ka dib markii ay ciidammada Israa'iil ku dhawaaqeen in diyaarad cadow ah weerartay magaalada Eilat.

Madaxa Xukuumadda Xuutiyiinta, Cabdulcasiis bin Habtour, ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee France-Presse ku yiri: “diyaaradahan waxaa iska leh Jamhuuriyadda Yaman, oo Sanca caasimad u ah,”.

Afhayeenka ciidamada Israel Avichay Adraee ayaa dhankiisa yiri: "Iyadoo la raacayo warbixinada hordhaca ah, nidaamyada Difaaca ee ciidanka ayaa ogaaday halis ku soo wajahan dhulka Dawladda Israa'iil isla markii ayayna ka hortageen, wax halis ahna uma keenin Shacabka Israa’iil”.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidoo kale ka soo xigatay “Radio Israa’iil” in Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn lagu soo riday badda cas, meel u dhow magaalada Eilat, halka wararka Channel 13 ay sheegayaan in diyaaradda ay sida muuqata Xuuthiyiinta Yemen soo kiciyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM