Xuutiyiinta oo duqeeyay Xarumaha shidaalka Sacuudiga

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Xuutiyiinta ayaa maalintii shalay oo Axad ahayd waxa ay diyaarado iyo gantaallo ku garaaceen xudunta warshadaha saliida ee Sacuudi Carabiya, iyaga oo weeraraya xarun ay leedahay shirkadda Aramco ee ku taal Ras Tanura, weerar ay boqortooyaddi ku sheegtay in lagu wiiqayo amniga iyo xasiloonida bixinta tamarta adduunka.

Xuutiyiinta oo iclaamiyey weerarada ayaa sidoo kale tilmaamay inay weerareen bartilmaameedyo militari oo ku yaal magaalooyinka Sacuudiga ee Dammam, Casir iyo Jazan.

Wasaaradda Tamarta ee Sacuudiga ayaa xustey in barxad lagu keydiyo saliida oo ku taal Ras Tanura, oo ah xarunta ugu weyn aduunka ee laga soo saaro shidaalka, in lagu weeraray diyaarad aan duuliyaha laheyn laakiin ma jirin wax qasaaro nafeed iyo mid hantiyeed intaba.

"Mid ka mid ah aagagga haanta batroolka ee Dekedda Ras Tanura ee Gobolka Bariga, oo ka mid ah dekedaha ugu waaweyn ee saliidda adduunka, ayaa waxaa saakay soo weerartay diyaarad Drone ah, oo ka timid badda," ayay wasaaraddu ku tiri bayaan ay marsiisay Wakaaladda Wararka Sacuudiga.

Waxay intaa ku dartay in firir ka yimid gantaal ballistic ah uu ku dhacay meel u dhow guri dad shacab ah kuna yaal Aramco ee Dhahran.

"Falalka noocan oo kale ah burburinta ma ahan oo kaliya bartilmaameedka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, laakiin sidoo kale amniga iyo xasilloonida sahayda tamarta ee adduunka, iyo si lamid ah, dhaqaalaha adduunka," afhayeen u hadlay wasaaradda ayaa war-saxaafadeedka.

Afhayeenka Xuuthiyiinta Yahya Sarea ayaa carabka ku dhuftay in kooxdu ay 14 diyaaradood iyo sideed gantaal oo nooca ballistic-ga ah ay ka rideen xadka ay la wadaagaan boqortooyada iyagoo “howlgal balaaran ka fuliyay bartamaha Sacuudi Carabiya".

Tan iyo markii Sacuudiga iyo xulafadiisa ay bilaabeen howlgalka ay ku taageerayaan dowladda caalamka aqoonsan yahay ee Yemen kaasoo bilowday dhowr sano kahor, Xuutiyiinta oo ay taageerto Iiraan waxay si joogta ah gantaalo ugu garaacayeen gudaha Sacuudi Carabiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM

Trump oo Ku Dhawaaqay Dhammaadka Dagaalka Iran, Israa’iil oo lagala tashan

Horumarkan ayaa imaanaya iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ay jireen iska horimaadyo iyo xiisado sii kordhayay oo u dhexeeyay Mareykanka.

  • Caalamka

    12-06-2026

  • 12:20PM