Xuutiyiinta oo gantaal ku riday markab laga leeyahay dalka Mareykanka

Image
Maraykanka ayaa dhanka kale burburiyay laba diyaaradood oo aan duuliye laheyn oo ay leeyihiin Xuutiyiinta.

Washington (GO) - Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Xuutiyiinta ay gantaal la beegsadeen markab Mareykanka laga leeyahay oo ku suganaa badda cas, iyadoo wax khasaare ah geysan.

Taliska ayaa xusay in la soo riday labo diyaaradood oo aan duuliye laheyn kuwaas oo laga soo kiciyay deegaanada ay Xuutiyiinta maamulaan.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri, “Xuutiyiintaayaa gantaal ballistic ah ka soo riday deegaannada ay ka taliyaan, iyaga oo la beegsaday markabka Maraykanka laga leeyahay ee USS Labone ee ku sugan badda cas, Gantaalku kuma dhicin markabka, lamana soo sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray.”

Wuxuu intaas ku daray: "Taliska dhexe ee Maraykanka waxay ku guulaysteen inay burburiyaan laba laba diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo laga soo riday dhulka ay Xuuthiyiinta maamulaan."

“Tallaabooyinkan waxaa loo qaaday si loo ilaaliyo xorriyadda socdaalka iyo in biyaha caalamiga ah laga dhigo kuwo ammaan u ah ciidamada badda ee Mareykanka iyo maraakiibta ganacsiga," ayuu raaciyay Taliska Dhexe.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Haweeney markii ugu horreysay Madax ka noqotay Hay'adda Sirdoonka UK 116 Sano Kadib

Metreweli waxay baratay cilmiga bulshada (anthropology) jaamacadda Cambridge, waxayna hore uga soo shaqeysay MI5.

  • Caalamka

    16-06-2025

  • 07:40AM

Reer Galbeedka oo raba inay Wadahadal Deg Deg ah la galaan Iran 

Marka laga hadlayo marinka Gaza, Wadephul wuxuu sheegay in xaaladda bani’aadamnimo ee halkaas ay tahay mid aan la aqbali karin.

  • Caalamka

    16-06-2025

  • 07:23AM