Xuutiyiinta oo mar kale gantaalo ku weeraray Sacuudi Carabiya

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Mas'uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa sheegay inay ka hortageen saddex gantaal oo ah nooca ballistic-ga oo lala beegsaday gobolka bari ee hodanka ku ah saliidda iyo sidoo kale magaalooyinka Najran iyo Jazan ee koonfurta dalkan.

Ma jirto sheegasho degdeg ah oo ah cidda mas'uulka ka ah weerarradan dhacay Sabtidii, balse isbahaysiga uu Sacuudigu horkacayo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen ayaa ku eedeeyay kooxda fallaagada ee Iiraan taageersan.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dhacdadan oo ay soo wariyeen mas'uuliyiinta Sacuudi Carabiya kuwaasoo ka gaabsadey in ay tafaasiil dheeriya ka bixiyaan.

Ilo xog ogaal u ah arrintan ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in gantaalka oo ku wajahnaa gobolka bari lagu qabtay magaalada Dammaam.

Gantaal ka yimid gantaalka oo ku kala firdhay xaafadda Dammam ayaa dhaawacay laba carruur ah oo Sacuudi ah, halka 14 guri ay soo gaareen dhaawacyo fudud, sida ay sheegtey wakaaladda wararka ee SPA, iyada oo xiganaysa bayaan ay soo saartay wasaaradda difaaca.

Goor sii horreysay, isbahaysiga ayaa sidoo kale soo wariyay ka-hortagga saddex diyaaradood oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku sii jeeday Sacuudi Carabiya.

Weeraradan ayaa imaanaya afar maalmood kadib markii diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ay ku dhacday garoonka caalamiga ah ee Abha ee koonfurta dalkaas, waxaana ku dhaawacmay sideed qof waxaana waxyeelo kasoo gaartey diyaarad rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM

Dalalka xubnaha ka ah ICC oo u codeeyey in xilka laga qaado Xeer-ilaaliye Karim Khan

Go’aankan ayaa yimid ku dhowaad laba sano kaddib markii Karim Khan lagu soo…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:57PM