Xuutiyiinta oo Shuruud dul dhigay maraakiibta doonaysa inay maraan badda cas

Image
Kooxdan ayaa tan iyo bartamihii bishii November weeraro ku qaaday maraakiib ganacsi oo caalami ah

Qasa (GO) - Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyada ee Xukuumadda Xuutiyiinta Yemen, Misfer Al-Numair, ayaa sheegay in maraakiibtu ay tahay inay fasax ka qaataan hay’adda Maamulka Arrimaha Badaha ee Xuutiyiinta ka hor inta aysan gelin biyaha Yemen.

Kooxdan oo xulafo la ah Iran ayaa tan iyo bartamihii bishii November weeraro loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaalo ku qaaday maraakiib ganacsi oo caalami ah oo marayey gacanka cadmeed, waxayna sheegeen in ay taasi u samaynayaan si ay u garab istaagaan dadka ku sugan Qasa ay Israel dagaal ku hayso.

Weerarada ku dhawaad ​​maalinlaha ah ayaa ku qasbay maraakiibta in ay ka maarmaan Badda Cas oo ay maraan waddo kale oo lacag badan uga baxo, waxa ayna sidoo kale kiciyeen cabsi laga qabo in dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas uu khalkhal geliyo xasiloonida Bariga Dhexe.

Dhanka kale, Maraykanka iyo Britain ayaa duqeeyeen ku wada bartilmaameedyada Xuutiyiinta, Iyagoo ka jawaabaya weerarradaas.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Turkiga: Israel waxay raadinaysaa fursad ay ku weerarto Iran

Wasiirka ayaa intaa ku daray inuu si toos ah uga muujiyey walaacyada uu qabo mas’uuliyiinta Iiraan intii uu booqasho ku joogay dalkaas.

  • Caalamka

    24-01-2026

  • 10:41AM

Trump oo ka laabtay casuumaaddii Canada ee “Guddiga Nabadda” kadib hadalkii Carney ee Davos

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka-qeybgalkeedu ku xaddidan yahay oo kaliya…

  • Caalamka

    23-01-2026

  • 01:05PM