Xuutiyiinta oo Shuruud dul dhigay maraakiibta doonaysa inay maraan badda cas

Image
Kooxdan ayaa tan iyo bartamihii bishii November weeraro ku qaaday maraakiib ganacsi oo caalami ah

Qasa (GO) - Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tignoolajiyada ee Xukuumadda Xuutiyiinta Yemen, Misfer Al-Numair, ayaa sheegay in maraakiibtu ay tahay inay fasax ka qaataan hay’adda Maamulka Arrimaha Badaha ee Xuutiyiinta ka hor inta aysan gelin biyaha Yemen.

Kooxdan oo xulafo la ah Iran ayaa tan iyo bartamihii bishii November weeraro loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaalo ku qaaday maraakiib ganacsi oo caalami ah oo marayey gacanka cadmeed, waxayna sheegeen in ay taasi u samaynayaan si ay u garab istaagaan dadka ku sugan Qasa ay Israel dagaal ku hayso.

Weerarada ku dhawaad ​​maalinlaha ah ayaa ku qasbay maraakiibta in ay ka maarmaan Badda Cas oo ay maraan waddo kale oo lacag badan uga baxo, waxa ayna sidoo kale kiciyeen cabsi laga qabo in dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas uu khalkhal geliyo xasiloonida Bariga Dhexe.

Dhanka kale, Maraykanka iyo Britain ayaa duqeeyeen ku wada bartilmaameedyada Xuutiyiinta, Iyagoo ka jawaabaya weerarradaas.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM