Xuutiyiinta oo weeraro dhimasho dhaliyey ka geystay Yemen

Image

SANCA, Yemen – Qarax ka dhacay Cadan, xarunta dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen, ayaa galaaftay tirro dad oo aanan wali cayimin, sidda ay wararku sheegayaan.

Falaagada Xuutiyiinta, kuwaasi oo maamulada caasimadda, Sanca, ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka oo lagu beegsaday xero ciidan oo ku taala magaaladda dhacda koonfurta.

Muuqaal-baahiyaha u jaran-jeera falaagada ayaa baahiyay in xubno iyaga ka tirsan ay guluf isugu jira weeraro sawaariiq iyo diyaarado aan duuliyaha lahayn ah ay qaadeen duulaanka.

Goobjooge ayaa wuxuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in uu arkay meydadka sagaal ruux oo dhulka yaala kadib qaraxa.

Qaraxa ayaa ka dhacay "dhabarka dambe ee madal ay ka socotay dhoolatus ka qabsoomay saldhiga Jalaa, degmada Buraiqa ee magaaladda Cadan," sida ay tibaaxayaan illo wareedyo.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa shaaca ka qaaday in dhoolatuska lagu diyaarinayey guluf ka dhan ah maleyshiyaadkaasi.

Sarkaal dhinaca ammaanka ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP in tobanaan ka tirsan booliska oo uu ku jiro sarkaal sarre lagu dilay laguna dhaawaca dhacdadaasi.

Dhinaca kale, weerar is-miidaamin oo lagu ekeeyay saldhig boolis oo ku yaala isla magaalada gaar ahaan xafaada Omar al-Mokhtar ayaa lagu khaarijiyay saddex askari, laguna dhaawacay 20 kale.

Mas'uuliyiinta degaanka ayaa u sheegay AP in qofka isa soo miidaamiyay oo watay gaari walxo qarxa lagu soo xiray watay uu aroornimadii jiiray iridka saldhiga booliska xili xoogaga ay diyaar-garow wadeen.

Colaada Yemen ayaa qaraxday dabayaaqadda 2014-kii markaasi oo Xuutiyiinta, kuwaasoo xulafo la ahaa madaxweynihii hore, Cali Cabdulle Salax, ay qabsadeen qaybo badan oo dalka kamid ah oo ay ku jirto caasimada Sanca.

Dagaalka ayaa xoogeystay markii isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ay bilaabeen olale cirka oo ka dhan ah Falaagada, talaabo ay ku doonayeen in ay kusoo celiyaan Dowladda caalamku aqoonsan yahay.

Madaxweyne Abd-Rabbu Mansour Hadi, kaasi oo taageerada caalamka aqoonsan, ayaa hogaamiya dowladaasi.

Tan iyo waqtigaasi, kumanaan kun oo shacab iyo xoogag ayaa ku naf-waayay colaadaasi, iyadda oo ay ku barakaceen malaayiin, waxaana ay gaajo iyo nafaqa xumo u horseeday ku dhowaad 100-kun oo caruur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo joojiyay safarrada qaxootiga horey loo oggolaaday inay degaan Mareykanka

Ka mid ah dadkaas waxaa ku jira in ka badan 1,600 oo Afgani ah oo loo oggolaaday inay u socdaan Mareykanka.

  • Caalamka

    22-01-2025

  • 05:22PM

Turkey: 76 qof oo ku dhintay dab ka kacay hotel

Goobtan dalxiiska ayaa ku taal meel sare oo buur ah oo qiyaastii 170 kilomitir (100 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Ankara.

  • Caalamka

    22-01-2025

  • 05:03AM