Xuutiyiinta Yemen oo wadahadal ogolaaday

Image

08 Octobar, 2015(GO)-War ka soo baxay Qarmada Midoobay ayaa lagu sheegay in Xuutiyiinta Yemen ogolaadeen inay joojiyaan dagaalka khasaaraha badan dhaliyay ee ka socday lixdii bilood ee la soo dhaafay dalka Yemen.

Afhayeen u hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa tilmaamay inay qaateen Xuutiyuuntu wadahadal dhexmara iyaga Dowladda dalkaasi.

Waxaa la isugu imaan doonaa sida UN-ku sheegeen shir wadaxaajood oo Qarmada Midoobay garwadeen ka tahay.

Kulan ka dhacay New York,  ayaa lagu shaaciyay hormar laga sameeyay arrinta wadahadalka dalkaasi, waxaana loo magacaabay Yemen Egay u fadhin doona Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa oo lagu magacaabo Ould Cheikh Ahmed.

Colaadda ka socota dalka Yemen, waxaa ku dhintay in ka badan 5 Kun oo qof, halka tira intaasi ka badan ku barakaceen, waxaana si xooggan ugu dagaalamay isbahaysiga uu garwadeenka ka yahay Sacuudiga iyo Xutuuyiinta Yemen oo taageero ka hela Iran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM