Xuutiyiinta Yemen oo weeraray laba markab mareysay Badda Cas

Image

DOOXA, Qadar - Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa Axada maanta ah waxay sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday laba markab oo kala ah Swan Atlantic iyo MSC Clara oo marayay badda cas.

Afhayeenka milatariga ee kooxda Yahya Sarea ayaa ku caddeysay bayaan lagu daabacay barta X in weerarada ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka howlgala badda.

Warka qoraalka ah ayaa waxa uu intaa ku daray in weeraraddan ay "ku garab taagan yihiin dadka reer Falastiin ee la kulmaya gardarrada ay Yahuuda ka geysanayaan Marinka Gaza".

Ugu yaraan 19,453 qof, oo ay ku jiraan 7,729 carruur ah, ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil tan iyo markii uu dagaalka billowday, sida laga soo xigtay tirokoobyo cusub.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza oo tirokoobka faafisay ayaa xustey in tirada dadka dhaawacmay sidoo kale gaartay 52,286, oo ay ku jiraan 8,663 carruur ah, ayay wasaaraddu ku dartay.

Madaxa difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa tibaaxay in uu kulan "wax ku ool leh" uu kula yeeshay dhiggiisa Israel, Yoav Gallant, magaalada Tel Aviv ayna ka wada hadleen "ololaha socda ee Israel ee lagu jebinayo Xamaas, si loogu daro ujeedooyinka, wejiga iyo ilaalinta rayidka".

"Waxaan sidoo kale diiradda saarnay hanjabaadaha ay Iran taageerto ee gobolka oo dhan, iyo sida ay nooga go'an tahay in aan ka hortagno gardarrada," ayuu ku daray hadal uu soo saaray X.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM