Yahuuda oo 24-saac gudahooda ku dishay 700 qof Falastiiniyiin ah

Image
Deegaameynta ay Yahuuda ka wadaan Qudus ayaa waxay kamid tahay sababaha horseeday isku-dhacyadda.

DOOXA, Qadar - Xafiiska warfaafinta Falastiiniyiinta ee Gaza ayaa ku waramaya in duqeymaha cirka ee Israa’iil ay galaaftay nolosha in ka badan 700 oo qof 24-kii saac ee la soo dhaafay.

"Dugsiga barakeysan" ee Gaza oo gabbaad u ahaa shakhsiyaadka soo barakacay ayaa noqday mid ka mid ah bartilmaameedyada weerarrada arxan darada ah ee Israel ka wado magaalada.

Dhinaca kale, Israa’iil waxay amartay in la dumiyo dhisme ku yaalla xaafadda Al-Sawana ee la haysto ee Bariga Quddus oo uu deggan yahay Sheekh Ikrimah Sabri oo ah wadaadka Masjidka Al Aqsa iyo qoysas kale.

Ciidamada Israel ayaa sidoo kale waxa ay xabsiga u taxaabeen 21 Falastiini ah, taasi oo sii hurinaysa qalalaasaha isla markaana horseeday walaac laga qabo in dagaalka uu sii faafo.

Dhacdo kale, dad Yuhuud ah oo si sharci-darro ah k u daganaa Gazaayaa weerar xooggan ku qaaday tuulada Ummu Safa, halkaas oo ay ku burburiyeen daraasiin baabuur iyo hanti Falastiiniyiin ah.

Deegaameynta ay Yahuuda ka wadaan Qudus ayaa waxay kamid tahay sababaha horseeday isku-dhacyadda hubeysan ee ay hormuudka ka tahay Xamaas taasoo Israa'iil u aragto argagixiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM