Yahuuda oo ku goodisay in aysan dhaweyn xabad-joojinta Gaza

Image
Israel ayaa sheegtay inay ciidamadeeda kala baxday koonfurta Khan Younis sababo xeelad ciidan ah.

DOOXA, Qadar - Aidit Silman, oo ah wasiir aad ugu dhow ra'iisul wasaaraha Yahuuda, ayaa u sheegay warbaahinta Israel in xabbad joojin lala gaaro Xamaas ay wali fog tahay.

Hogaamiyahan sare oo dhanka siyaasada ah ayaa sheegay in howlgalka militari ee Israel ee Rafah uu dhici doono waqti yar gudaheed, Israel-na ay tahay in ay aragto ujeeddooyinkeeda militari.

Israel ayaa sheegtay inay ciidamadeeda kala baxday koonfurta Khan Younis Axadii, marka laga reebo hal guuto, ka dib bilo dagaal ba’an uu socday.

Wasiirka Difaaca Yoav Gallant ayaa tibaaxay in ciidamadu ay ka baxeen magaalada “si ay ugu diyaar garoobaan howlgallada mustaqbalka, oo ay ku jiraan … Rafah”.

Rafah ayaa waxa ay hoy u tahay 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah oo barokacay ayna ka gabaadsan yihiin weerarrada joogtada ah ee Gaza, waxaana qaarkood ay u baahan yihiin gurmad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM