Yemen: Banaanbaxyaal careysan oo gudaha u galay Madaxtooyada

Image

CADDAN, Yemen - Dibadbaxayaal careysan ayaa si nabad ah dib loo hor-istaagay ka dib markii ay weerareen xarunta madaxtooyada ee magaalada koonfurta Yemen ku taal ee Cadan, oo ah xarunta dowladda dagaalka uu aafeeyey ee caalamku aqoonsan yahay.

Banaanbaxayaasha ayaa jabsaday Qasriga Madaxtooyada ee Maashiq gelinkii hore ee Talaadadii iyada oo shacabka ay ka caroodeen adeeg la’aan, xaalad nolol xumo iyo qiimo dhaca lacagta waddanka.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa u sheegay Al Jazeera in ciidamadda ay daad gureeyeen xubno ka tirsan golaha wasiirada, oo uu ku jiro raiisul wasaare Maeen Abdulmalik Saeed, lana geeyay dhisme milatari oo ku yaal agagaarka qasriga.

Ilo wareedyo maxalli ah ayaa u sheegay Al Jazeera in dibadbaxayaashu aysan wax iska caabin ah kala kulmin xoogagga daacadda u ah Golaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta ee ay taageerto Imaaraadka Carabta (STC).

Qaarkood waxay wateen calanka dhaqdhaqaaqa gooni u goosadka STC. Waxyar kadib dhacdada, ilo dawladeed ayaa sheegay in taliyaha booliiska magaalada Cadan, General Mutaher al-Shuaibi, uu yimid goobta si uu ula hadlo mudaaharaadayaasha uguna qanciyo inay baxaan.

Jamal Elshayyal oo ka tirsan Al Jazeera ayaa sheegay in dibadbaxayaashu ay ka tirsan yihiin ciidamada amniga qaranka oo aan wax mushaar ah qaadan muddo sagaal bilood ah. "Qasriga, oo ay dowladdu la wareegtay maamulkiisa, waxaa ilaaliya ciidamada Sucuudiga ee ku sugan gudaha," ayuu yiri Elshayyal.

“Laakiin banaanka, waxaa ilaalinaya kuwa gooni u goosadka ah - STC - oo ay taageerto Isutaga Imaaraatka Carabta, taas oo aragti ahaan loola jeedo inay taageerto Sacuudi Carabiya laakiin dhab ahaantii waxay taageereysay gooni goosadyada ku baaqayay gooni isu taaga," ayuu sharaxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Saudi Arabia iyo Kuwait oo Qaaday Xannibaadihii Hakiyay qorshaha Trump ee Hormuz

Labada dal ayaa horay u xaddiday adeegsiga saldhigyadooda si ay uga fogaadaan inay qayb ka noqdaan iska horimaad toos ah.

  • Caalamka

    08-05-2026

  • 07:12AM

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM