Zelensky oo ku dhawaaqay tirada askarta Ukraine looga dilay dagaalka

Image
Hogaamiyaha Ukraine ayaa dhanka kale diiday inuu ka hadlo tirada dhaawaca.

Kiev (GO) - Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa markii ugu horeysay ka hadlay tirada ciidamada dalkiisa kaga dhintay dagaaladii ay la galeen Ruushka.

Zelensky ayaa ku qiyaasay tirada dhimashada ciidamada Ukraine in ka badan 31,000 oo askari, halka uu diiday inuu ka hadlo tirada dhaawaca, isagoo sheegay in faahfaahinta noocaas ah "ay caawin karto Ruushka."

Laakiin tirada uu shaaciyay Zelensky ayaa aad uga hooseeya sheegashada Ruushku, waxayna sidoo kale ka hooseeyaan qiyaasaha xulafadiisa reer galbeedka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa shaacayay dilka 70,000 oo askari oo Ukrain ah iyo dhaawaca 120,000 oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiyaasha Yurub oo indhaha ku hayo Kulanka Trump iyo Putin ee ka dhacaya Alaska

Madaxweyne Putin ayaa weli ku dheggan dalabkiisii ahaa in Ukraine noqoto dal aan dhex dhexaad ahayn.

  • Caalamka

    13-08-2025

  • 12:54PM

Putin oo Kim Jong Un kala tashaday kulanka Trump ee ku saabsan dagaalka Ukriane 

Waa mar kale oo xiriir toos ah uu dhex maro labada hoggaamiye ee Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya.

  • Caalamka

    12-08-2025

  • 06:16PM