Faahfaahin sababta keentey in xilka laga qaado Taliyaha hay'ada Nabad Sugida Somaliya
MUQDISHO, Somaliya- War qoraal ah oo maalintii shaley Jun 14, 2016 kasoo baxdey xafiiska madaxweynaha Somaliya ayaa lagu sheegay inuu xilka ka qaaday taliyihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.
Madaxweynaha Somaliya ayaa qoraalkaan ku sheegay in xilka qaadistaan u cuskadey qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka KMG, iyo isagoo tixgelinaya baahi la xiriirtey in isbeddel lagu sameeyo hogaanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.
Madaxweynaha Dowlada Federaalka ayaa Taliyaha iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) , si KMG ah ugu magacaabay S/Gaas Cabdullaahi Gaafow Maxamuud oo ahaa madaxa hay'ada Socdaalka Somaliya tan iyo intii uu Qaranka burburey.
Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa waxaa loo magacaabey La-Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha.
Xil ka qaadista Taliyaha ayaa socotey hadal haynteeda in muddo ah ayaa warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in Madaxweynaha Somaliya iyo Ra'isal wasaaraha Dowlada Federaalka isku khilaafeen arinkaan markii hore.
Talaabadaan oo in muddo ah Madaxweyne Xasan Shiikh diidanaa iyadoo la ognahay in waqtiga Dowlada Federaalka gabaabsi yahay ayaa warsidaha GO fahansan yahay iney keentey arrimahaan hoos ku qoran: ;
1- In dowlada Mareykanka oo bixisa kharashka ugu badan ee ku baxa hay' adaan codsatey in xilka laga qaado Taliyaha NISA kadib markii warbixin Wargeyska Washigton Post qorey lagu eedeeyey hay'adaan iney dagaalka lagula jiro kooxda Al shabaab u adeegsato caruurta aan qaan gaarin kuwasoo dilal loo gaysto.
Xogtaan ayaa sheegeysa in Ra'isal wasaaraha Somaliya culeys kaga yimid dowlada Mareykanka oo sheegtey iney joojineyso tageerada dhaqaale ay siiso NISA hadaan la badalin hogaanka sare ee hay'adaan.
2- Xogta kale ayaa sheegeysa in xil ka qaadista Tuuryare oo loo adeegsanayo eedeymaha loo jeediyey hay'ada aysan ka maqneyn ololaha siyaasdeed ee loogu jiro doorashada xilka Madaxweynaha Somaliya taasoo Mudane Xasan Sheikh iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid ka dhex abuurtey tartan siyaasadeed.
Ra'isal wasaaraha Somaliya ayaa dabada ka riixayey in Tuuryare lagu badalo xildhibaan Mustafe Dhuxulow oo horey Wasiir uga ahaan jirey Dowlada Federaalka halka dhinaca kale uu soo jeediyey in waaxda socdaalka loo magacaabo Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe oo saxiib dhow yihiin Mudane Cumar Cabdirashid. Sanbaloshe oo loo magacaabey muddo ka hor safiirka dowlada Somaliya u fadhiya Ankara ayaa waxaa diidey in waraaqaha ka aqbasho dowlada Turkiga sababo aan la sheegin.
Wararka ayaa sheegaya in xil u magacaabista Xildhibaan Mustafe Shiikh Cali Dhuxulow oo horey u soo noqdey Wasiir ka tirsan Dowlada Federaalka uu dabada ka riixayey Madaxweynaha maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed oo xiriir dhow leeyihiin..
Lama hubo in Madaxweynaha Somaliya oo qancinaya beelaha uu ka tirsan yahay isagoo xoojinaya iney tageeraan musharaxnimadiisa in xilalka hay'ada Nabad Sugida iyo socdaalka ku qanciyo qabaa'ilada Murarsade iyo Xawaadle taasoo Dhinaca kale ka dhigeysa inuu qaato soo jeedinta labaad ee Ra'isal wasaaraha Somaliya.
Tan bishii May ee sannadkii 2011-ka hay'ada NISA waxay yeelatay 5 Agaasime kuwaasi oo kala ahaa Axmed Macalin Fiqi oo xilka hayey intii u dhaxaysay May 2011-kii ilaa Maarso 2013-kii; Bashiir Maxamed Jaamac Goobe oo xilka hayey Maarso 2013-kii ilaa July 2014-kii; Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe oo xilka hayey July 2014-kii ilaa Sebtembar 2014-kii; Jeneral Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo xilka hayey Sebtember 2014-kii ilaa Juun 2016-kii iyo ugu dambayn maanta oo si ku meel gaadh ah loo magacaabay Jeneraal Cabdullaahi Gaafow Maxamud.
GAROWEONLINE