Finland oo qorsheyneysa tarxiil ballaaran inay ku sameyso Soomaalida ku nool dalkaas
MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Finland ayaa lagu soo warramayaa inay qorsheynayso tarxiil ballaaran oo ku saabsan dadka magangelyo-doonka ah ee Soomaaliyeed, taas oo noqon karta mid keeni karta dood kulul oo dhex-marta bulshada iyo ururada xuquuqda aadanaha.
Todobaadkii hore, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Finland, Meri Rantanen, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre si ay uga wada hadlaan tarxiilka la filayo. Si kastaba, dhaleeceeyayaasha ayaa ku andacoonaya in tallaabadan ay xiriir la leedahay ajendaha siyaasadeed ee xisbiga Finns, iyadoo la eegayo doorashooyinka deegaanka iyo gobolada ee bisha April ka dhacay Finland.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Cali Xoosh, ayaa sidoo kale ka qeyb galay kulanka, halkaas oo arrimo amni iyo hababka dib-u-soo-celinta dadka Soomaalida ah. Rantanen waxay sheegtay in dalka Finland uu danaynayo inuu sameeyo habab wax ku ool ah oo lagu soo celinayo Soomaalida aan helin degenaansho sharci ah.
Mudanayaal badan ayaa isku raacay in tallaabadan ay tahay mid siyaasadaysan, iyadoo ay ku andacoonayaan in xukuumadda Finland ay isku dayayso in ay u adeegso gargaarka iyo deeqaha dhaqaale ay siiso dowladda Soomaaliya inay ku cadaadiso inay aqbasho tarxiilka. Wakiilka Qaramada Midoobay, James Swan, ayaa sidoo kale ka qeyb galay kulanka, isagoo uu ku wehliyay mas’uuliyiin ka socday Midowga Yurub, taas oo muujinaysa in Finland ay rabto inay ku xiririso siyaasadaha tarxiilka qorshaha guud ee Midowga Yurub.
Xisbiga Finns, oo ay ka tirsan tahay Rantanen, ayaa muddo dheer ku baaqay siyaasado adag oo ku saabsan socdaalka iyo muhaajiriinta. Wasiirka Maaliyadda ee Finland, Riikka Purra, oo ah guddoomiyaha xisbigaas, ayaa ku amaantay safarka in uu yahay tallaabo lagu xallinayo dhibaatooyinka muhaajiriinta aan sharciyeysan.
Si kastaba ha ahaatee, dad badan ayaa qaba in go'aamadan ay ka dambeeyaan doonista in la dhibaateeyo bulshada Soomaaliyeed si loo helo codad siyaasadeed, iyadoo la tixgelinayo in ay jiraan qiyaastii 200 oo Soomaali ah oo aan sharciyeysan oo ku sugan Finland, taas oo keentay su'aalo ku saabsan sababta go’aankaasi, maadaama tiradani aysan saameyn weyn ku yeelan doonin siyaasadda dalka.
Mid ka mid ah magangelyo-doonayaasha Soomaaliyeed ee Finland ku sugan, Ali Hassan, ayaa la wadaagay walaaciisa ku saabsan tarxiilka suuragalka ah. Kadib markii uu 8 sano ku jiray Finland isla markaana uu diidmo ku helay codsigiisa magangelyo, Ali Hassan ayaa sheegay in shaki iyo walbahaar uu soo wajahday. "Waxaan nolol ka dhisnay halkan aniga iyo qoyskayga. Waxaan ka baqayaa inaan Soomaaliya ku noqdo, halkaas oo kooxaha Al-Shabab ay igu dili karto," ayuu yiri.
Dowladda Soomaaliya weli ma aysan soo saarin war-saxaafadeed rasmi ah oo ku saabsan booqashadan, hase yeeshee, waxay garowsatay in deeqaha ay ka hesho Finland ay tahay mid ku xiran dib-u-soo-celinta dadka Soomaaliyeed. Soomaaliya waxay si weyn ugu tiirsan tahay lacagaha deeqaha ay siiyaan dalalka caalamka, oo Finland ay kamid tahay.
GAROWE ONLINE