Imtixaankii Shahadada dugsiga dhexe ee Puntland oo aan la saxin

Image

JULY 26, 2015 (GO)- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare dowladda Puntland ayaa gabi ahaanba weyday dhaqaalihii lagu saxi lahaa imtixaankii bishii May, 2015 laga qaaday ardeyda fasalada 8-aad ee dugsiyada dhexe.

800 arday oo reer Puntland ayaa Wasaaradda Waxbarashada Puntland ka sugaya natiijada imtixaankoodii, xilli uu dhowaan bilaami doono sanad dugsiyeedka 2015/2016, kuwasoo aan kala ogeyn iney u gudbeen dugsiyada sare iyo in-kale.

Dhinaca kale xogaha laga helayo dib u dhacaan ayaa sheegaya iney saameyn weyn kale ku yeelatey isbadalkii golaha wasiirada dhowaan madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ku sameeyey inta badan wasaaradaha.

Sargaal ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada oo magaciisa ka gaabsaday inaan xusno ayaa GO u sheegay in saxida imtixaanada oo dib u dhac wayn ka muuqdo la bilaabey maanta lagu wado ikadib markii Wasarada maaliyada Puntland balan qaadey iney bixin doonto kharashka qayb ka mid ah halka Wasarada Waxbarshada kabi doonto lacagahaas.

Kharashka la waayey ayaa sababta ugu weyn la saarayaa kadib markii hay'adaha caalimiga oo tageeri jirey Wasaarada Waxbarshada ka goosteen tageeradii dhaqaale oo ay siin jireen laga soo bilaabo sanadkii 2014 dabayaaqadiisa.

Wasiirkii hore ee Waxbarshada Cali Xaaji Warsamey ayaa sidaan oo kale sanadkii 2014 la kulmey khatar inuu waayo kharashkii gabi ahaanba  lagu qaadayey Imtixaanada sanad dugsiyeedka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Tayeynta waxbarashada dugsiyada sarre Puntland oo laga shiray

Guddiga ayaa ballan qaaday in Golaha Wakiilladu uu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa adeegyada waxbarashada.

  • Puntland

    17-10-2024

  • 04:42AM

Puntland: Xaalada maxaabiista gobolka Nugaal oo loo kuur-galay

Guddigu waxay ku booriyeen Booliska inay sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan sugidda Amniga.

  • Puntland

    17-10-2024

  • 04:27AM