Dhismaha cusub ee Bankiga Puntland laanta Boosaaso oo la daahfuray

Image
Madaxwayne Deni ayaa boggaadiyey horumarka dhinac walbo uu ka sameynayo Bankiga Dowladda Puntland.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee Bankiga Dowladda Puntland laanta magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Deni ayaa boggaadiyey horumarka dhinac walbo uu ka sameynayo Bankiga Dowladda oo hadda la jaanqaadaya kuwa noociisa ah ee adduunka, wuxuuna xusay in arrimaha maaliyadda aan lagu eegan doonin xaaladda dalku ku jiro, Sidaasi darteedna ay socoto daraasada diyaarinta lacag u gaar ah Puntland.

“Dowladda Puntland waxay bilowday daraasada sameynta Lacag u gaar ah Puntland, sida wadamada Federaalka adduunka qaar ka mid ah u leeyihiin, Lacagtaasi oo mustaqbalka la jaan qaadi doonta nidaamka Maaliyadda Soomaaliya marka miyirka iyo Maskaxdu soo noqoto” Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Masuuliyiinta Bangiga Dowladda, Lataliyeyaal Madaxweyne, Maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM