Digniin lagasoo saaray Khatarta Al Saadicuuna Bil Xaq

Image

MUQDISHU, Somalia - Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowladda Federaalka Somalia ayaa War kasoo saartey Ururka Al Saadicuuna Bil Xaq, ee horaantii bishan looga dhawaaqay dalka Masar.

Wasiirka wasaaraddaas Dr Imaan Cabdullaahi Cali ayaa sheegay in Al Saadicuuna Bil Xaq uu yahay Ururka TAKFIIR ah, oo dadka u arka Gaalo, islamarkaana khatar ku ah Diinta iyo Amniga Wadanka.

Dr Imaan ayaa uga digay Kooxdan Takfiiriga ah inay mar kale soo saarto Bayaan, cod ama qoraal lagu gaalaysiinayo Muslimiinta, iyo qabashada Kulamo gudaha dalka Somalia.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay inay tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo la shaqaysa ama katirsan urur diimeedka ay ku tilmaameen mid baadiyaysan.

Wasaarada ayaa uga mahadcelisay Culimada Soomaaliyeed guud ahaan sida ay uga hadleen arrimaha ku saabsan Al Saadicuuna Bil Xaq, iyo xaqiiqooyinka ku saabsan Fekerka qaldan ee ay aaminsan yihiin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maalinta Carafo oo Berri la Taagan Yahay: Tiirka Ugu Muhiimsan Xajka oo la Guda Galayo Khamiista

Maalinta Carafo waxay leedahay muhiimad weyn oo diimeed. Nebi Maxamed (NNKH)…

  • Islam

    04-06-2025

  • 08:44PM

Canada: Walaalo oo lix sano loogu xukumay jirdilka nin Muslim ah

Weerarka oo dhacay July 15, sanadkii 2018 ayaa lagu naafeeyay Abu Marzouk, oo markaas 39 jir ahaa.

  • Islam

    10-05-2023

  • 02:59AM