Dhagayso: 16-sano ka dib PL maxaa u qabsoomay

Image

Puntland ayaa la yagleelay 1-dii Agoosto 1998 ka dib shir wayne ballaaran oo ay dhinacyadda dal udug iskugu yimaadeen magalada Garowe halkaasoo mamulka lagu dhisay madaxwayne-na loogu doortay allaha u naxariistii Col.Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

Dhismaha Puntland ayaa ku yimi rabitaan shacab iyo in la baadi goobo midnimadii umadda Soomaaliyeed oo wixii ka danbeeyay burburkii iyo dagaaladii sakooye ee dalka ka dhacay ku habowday iyadoona xiligaasi ka dib loo jihaysay in xooga la saaro Soomaalinimo & dhismaha mamulka curdunka ah.

Cabdishakuur Mire Aadan oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii isaga kala danbeeyay Puntland isla markasna ah qoraa ayaa Radio Garowe uga waramay sababta Puntland loo dhisay wuxuna hadalkiisa ku daray Puntland inay ku timi raadinta qarannimadda umadda.

''Dhismaha Puntland waxaa sal u ahaa rabitaanka shacabka Puntland dadka reer Garowe waxay kaalin ka qaateen dhismaha mamulka,Puntland kamu aysan aasasmin wax laab la kac ah waxay ku aasasan tay qorshe dadwayne xili Soomaaliya ay ka jirtay marxalad aad u adag iyo kala qaybsanaan''.

16-sano ka dib dibadda iyo gudaha maxaa laga gaaray.

Cabdishakuur Mire Aadan oo hadda ku sugan magalada Nayroobi ayaa sheegay inay mug wayn tahay xiriirka saaxiibtinimo ee Puntland ay ku lee dahay dibadda taasoo qayb ka ah hormarka muuqda ee hadda lagu naaloonayo laguna faani karo xili gobalada dalka ay wali ka jiraan dagaalo dhimasho iyo dhaawac faro badan sabab u noqday.

Masuulkan ayaa sheegay Puntland inay heer wanagsan ka gaartay xiriirka dibadda iyo gudaha taasna ay cadayn u tahay shirarkii kala duwnaaa ee xaaladda qalafsan dalka looga saarayay oo lagu qabtay magalada Garowe garwadeena uu ka ahaa madaxwaynihii hore ee Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole iyo xukumadiisii.

Hase yeeshee Puntland hormar fiican kama aysan gaarin wax soo saarka dalka ama sidii loogu talo galay loogama faa'iidaysay waxaa sidaasi qabo Maxamed Cali Cabdi oo ka mid ah qurbe joogta Puntland ee London waxa uu sheegay khayraadka uu ILLAAHAY ku manaystay dhulka uduga sidii loogu talo galay loogama faa'iidaysay wuxuna talo ahaan xukumadda Gaas usoo jeediyay in dadku ay ku wacyi galiyeen in wax soo saarka la aamino si looga wada faa'iidaysto.

Balse Cabdishakuur Mirre Aadan ayaa sheegay Puntland inay caqabad ku noqotay jariib la'yaasha iyo burcad badeedka balse wax soo saarka kale sida Maydiga iyo beeraha qaarkood si hufan looga faa'iidaystay dalka dibadiisana la geeyay wuxuna sidoo kale sheegay xoolaha la'aan in hormar laga gaaray.

Xukumadda Gaas ayuu sheegay inay muhiim tahay in wax laga qabto kooxaha xaalufinaya khayraadka xeebaha kana hor istaagaya kalluumaysatadda xoogooda maala.

Shire ayaa sidoo kale wax laga waydiiyay deegaanadda ka maqan Puntland iyo sida lagu soo celin karo''Run ahantii waa la soo celinayaa iyo hadal uma baahna siyaasada ayaa hoggaamiysa malateriga iyo dhaqaalaha-ba,haddaan la helin siyaasad midaysan iyo midnimada dadkii dhistay Puntland aniga iima muuqata in Sool iyo Sanaag-ba lasoo celin karo waxaan qabaa in laga hor mariyo marka siyaasad midaysan in la helo,Laascaanood waxay ku maqan tahay wax kale ma ahan ee waa siyaasada kala qaysan ee Puntland''.

Ugu danbayntii Cabdishakuu Mirre Aadan ayaa dowladda hadda jirtaa ee uu hoggaaminayo Cabdiwali Cali Gaas waxa uu kula taliyay in dadka u matalayadda Siyaasada u matalaya Gobalada Sool iyo Sanaag ay noqdaan dad dalkooda matala siyaasiyiin ah sumcadna ku leh shacbaka oo aan maalinba maalinta ka danbaysay aan lagu soo siqayn deegaano hor leh oo Puntland ka tirsan.

Madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Farole ayaa xiriirka u yaray madaxda DF ka dib markuu ku eedeeyay inay isdabo marin iyo qodobo ka saaris lagu sameeyay dastuurkii KMG ahee lagu wada heshiiyay balse hadda waxaa muuqata xukumadda Gaas inay si hoose xiriirka usoo celisay iyadoona ay tusaalooyin loosoo qaadan karo wasiirada kusoo qul-qulaya Puntlnad iyo kuwa Garowe tagaya ee dhanka Muqdisho u socdaalaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo qabatay Boqolaal xubnood oo Daacish katirsan

Waxay horey ugu guul darreysteen dagaalladii Suuriya iyo Libiya, iyadoo taageero caalami ah ay haystaan, ayuu yiri Dirir.

  • Puntland

    27-01-2025

  • 04:06PM

Guulihii ugu dambeeyay Ciidanka Puntland ka gaareen Dagaalka Daacish

 Maalmaha soo socda waxaa laga yaabaa in la arko dhammaadka Daacish ee Puntland, sida uu sheegay sarkaal Ciidan.

  • Puntland

    25-01-2025

  • 06:01PM