Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya
GAALKACYO — Alle ha u naxariistee Xaawo Aadan Cameey, oo ka mid ahayd haweenka Soomaaliyeed ee hormuudka u ahaa waxbarashada gabdhaha, nabadaynta iyo difaaca xuquuqda haweenka, ayaa ku geeriyootay magaalada Gaalkacyo.
Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo ee Nabadda iyo Horumarka (GECPD), oo la aasaasay sannadkii 1999. Xaruntu waxay kumannaan haween iyo gabdho ah siisay waxbarasho, tababbarro xirfadeed iyo fursado ay dib ugu dhistaan noloshooda.
Waxay sidoo kale ahayd xaaskii marxuum Cabdiraxmaan Cabdulle Cismaan “Shuuke”, oo isaguna xilal iyo shaqooyin badan u soo qabtay bulshada Soomaaliyeed iyo Puntland. Lammaanahan ayaa door muuqda ku lahaa dadaalladii nabadaynta, dowlad-dhiska iyo horumarinta bulshada.
Xaawo Aadan Cameey waxay Soomaaliya dib ugu soo laabatay sannadkii 1995, kaddib markii ay qaxooti ku ahayd Canada. Xilli dalku ka soo kabanayay dagaalladii sokeeye, waxay bilowday barnaamijyo lagu taageerayo haweenka iyo gabdhaha barakacay, kuwa aan helin waxbarashada iyo dhibbanayaasha tacaddiyada.
Shaqadeedu kuma koobnayn waxbarashada oo keliya. Waxay si joogto ah ugu ololeynaysay xuquuqda haweenka, la dagaallanka gudniinka gabdhaha, nabadaynta iyo ka qaybgalka haweenka ee dib-u-dhiska Soomaaliya.
Dadaalladeeda waxaa laga aqoonsaday gudaha dalka iyo caalamkaba. Sannadkii 2012, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa guddoonsiisay Abaalmarinta Qaxootiga Nansen, iyadoo lagu maamuusay shaqadeeda aan kala go’a lahayn ee taageeridda qaxootiga, barakacayaasha, haweenka iyo gabdhaha Soomaaliyeed.
Geerida Xaawo Aadan Cameey waxay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka reer Gaalkacyo, uga dhigan tahay luminta haldoor taariikh iyo raad muuqda ku reebtay waxbarashada, nabadda iyo horumarinta haweenka.
Alle ha u naxariisto Marxuumad Xaawo Aadan Cameey, qoyskeeda, ehelkeeda iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeedna samir iyo iimaan haka siiyo.
GAROWE ONLINE