Soomaaliya: Khasaarihii dagaalkii shaley dhacey iyo xaalada Tuulada Tukaraq

Image

GAROWE- Waxaa saaka dagan degaanadii maalintii shaley uu dagaalku ku dhexmarey ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland kuwasoo ay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac-ba leh.

Wararka aan ku heleyno ilo ku dhow dhinacayadii dagaalka uu ku dhexmarey Tuulada Tukaraq ayaa sheegaya in uu jiro dib abaabul labada dhinac ka sameynayaan khasaarihii ka dhashey dagaaladii maalintii shaley ka dhacey degaano ku dhow tuulada Tukaraq.

Wararka laga helayo khasaarahii Dagaalkii shaley dhexmarey ciidamada labada maamul ayaa ilo madax banaan u sheegeen GO in dhimashada labada dhinac gaareyso 50 askari halka dhaawaca ku dhow yahay 100 askari.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaan weli ka hadlin khasaraha kasoo gaarey Dagaalkii shaley iyadoo maalintii shaley madaxda Garowe iyo Hargeysa isku eedeeyeen in midwlaba isagu mas’uul ka ahaa bilaabista dagaalkaan.

Sida aan wararka ku heleyno taliyaha ciidamada Somaliland iyo Wasiirka Gaashaandhiga maamulkaan ayaa la filayaa in maanta goor dambe warsaxafadeed ku qaban doonaan magaalooyinka Laascaano ama Tukaraq.

Dhinaca kale waxa socda dadaalo lagu joojinayo colaadaan kuwasoo ka imaanaya dowlada Mareykanka iyo xubnaha beesha caalamka ee daneeya arimaha Soomaaliya.

Gudoomiyaha xusbiga UCID oo la hadlay saxaafada maalintii shaley ayaa sheegey in dowlada Mareykanka dadaal ay ku doontey joojinta colaadaan uu fashilmey kadib markii maalintii shaley labada maamul ku dagaalameen degaanka Tukaraq.

GAROWE ONLINE 

 

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM