Soomaaliya: Khasaarihii dagaalkii shaley dhacey iyo xaalada Tuulada Tukaraq

Image

GAROWE- Waxaa saaka dagan degaanadii maalintii shaley uu dagaalku ku dhexmarey ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland kuwasoo ay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac-ba leh.

Wararka aan ku heleyno ilo ku dhow dhinacayadii dagaalka uu ku dhexmarey Tuulada Tukaraq ayaa sheegaya in uu jiro dib abaabul labada dhinac ka sameynayaan khasaarihii ka dhashey dagaaladii maalintii shaley ka dhacey degaano ku dhow tuulada Tukaraq.

Wararka laga helayo khasaarahii Dagaalkii shaley dhexmarey ciidamada labada maamul ayaa ilo madax banaan u sheegeen GO in dhimashada labada dhinac gaareyso 50 askari halka dhaawaca ku dhow yahay 100 askari.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaan weli ka hadlin khasaraha kasoo gaarey Dagaalkii shaley iyadoo maalintii shaley madaxda Garowe iyo Hargeysa isku eedeeyeen in midwlaba isagu mas’uul ka ahaa bilaabista dagaalkaan.

Sida aan wararka ku heleyno taliyaha ciidamada Somaliland iyo Wasiirka Gaashaandhiga maamulkaan ayaa la filayaa in maanta goor dambe warsaxafadeed ku qaban doonaan magaalooyinka Laascaano ama Tukaraq.

Dhinaca kale waxa socda dadaalo lagu joojinayo colaadaan kuwasoo ka imaanaya dowlada Mareykanka iyo xubnaha beesha caalamka ee daneeya arimaha Soomaaliya.

Gudoomiyaha xusbiga UCID oo la hadlay saxaafada maalintii shaley ayaa sheegey in dowlada Mareykanka dadaal ay ku doontey joojinta colaadaan uu fashilmey kadib markii maalintii shaley labada maamul ku dagaalameen degaanka Tukaraq.

GAROWE ONLINE 

 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM