5 Sarkaal oo Kenyan ah oo qarax lagu dilay

Image

NAIROBI-Ugu yaraan shan sarkaal oo booliis ah, ayaa ku geeriyooday qarax bam oo waddada dhinaceeda ka dhacay, bariga dalka Kenya, sida ay sheegeen booliiska iyo warbixino kale, xilli ciidamada Kenya ay kasoo baxayaan saldhigyo ku yaalla Soomaaliya.

Madaxa booliiska Kenya, Joseph Boinnet, ayaa xaqiijiyey inuu jiro qaraxa, oo dhacay talaadadii, hase yeeshee ma sheegin tirada khasaraaha.

Sarkaal sare oo booliis ah oo codsaday in aan la magacaabin ayaa sheegay in shan sarkaal lagu dilay qarax oo lala eegtay baabuur ay saaran yihiin ciidamada oo socda deegaanka Mpeketoni, oo u dhow xeebta Lamu.

Wargeyska Dail Nation ee Kenya, ayaa sidoo kale ku warramay in shan sarkaal la dilay, halka wargeyska the Standard uu dhimashada ku sheegay lix sarkaal, islamarkaana wargeyska the Star ayaa khasaaraha ku sheegay toddobo sarkaal.

Saraakiisha Kenya, ayaa badanaaba diida inay sheegaan khasaaraha kasoo gaara weerarada Al-Shabaab.

Qaraxa cusub ayaa imanaya ayada oo maanta ay Kenya u qabaneyso xus qaran askartii lagu dilay weerarkii Ceel-Cadde ee gobolka Gedo, halkaasi oo Shabaab ay ku weerareen saldhiggii ciidamada Kenya.

VOA

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM