Aabihii Guusha ee Qabyaaladda xilka looga qaaday!

Image

GAROWE, Soomaaliya - Gudoomiyihii Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha gobalka Nugaal, Siciid Xasan Cabdi ayaa xilka laga qaaday iyada oo lala badalay gudoomiyayaashii Sanaag iyo Hayland ee dhalinyarada iyo cayaaraha lana doonayay in lagu qariyo tiisa sida ay dadku ku doodayaan.

Siciid Xasan Cabdi oo kamid ahaa in ka badan 20 sano Haldoorka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha gobalka Nugaal iyada oo uu aas-aas u ahaa guushii xulka gobalka Nugaal kadib magacaabistii macalinka gobalka Yacquub Cismaan Maxamed.

Gudoomiyaha gobalka Nugaal, Cabdiraxmaan Xaaji Abshir Faarax ayaa diiday warqada wasiirka isaga oo garab istaag u muujiyay Gudoomiyaha Qabyaalada xilka looga beegsaday.

Ninka lagu badalay oo la yiraahdo, Cabdulqaadir Maxamed New ayaa waxaa ay qaraabo yihiin Duqa Garowe, Cabdulqaadir Maxamed Geedi oo isagu ay wararku sheegayaan in uu arintaan lix bil kahor kala macaamilay wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Arinta walaaca leh ayaa ah sida uusan wasiirka Dhalinyaradda Puntland, Cabdiraxmaan Axmed Caydiid uusan marna u tixgelin guushii iyo niyada Dhalinyaradda koobka soo qaaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM