Xasan Shiikh oo booqasho ku khaldayo aragtida Shacabka ku tagey Markabka Turkiga
MUQDISHO, Soomaaliya — Kadib markii dowladda federaalka ee waqtigeedu dhammaaday ay ku dhawaaqday inay dalka ka qabanayso doorasho hal dhinac ah, ayuu madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan biyaha Soomaaliya, kana wada hawlaha qodista shidaalka dalka.
Sida lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka Villa Soomaaliya, madaxweynihii hore ayaa khubarada iyo mas’uuliyiinta markabka ka dhageystay warbixin ku saabsan shaqada la qabtay iyo natiijooyinka laga gaaray hawlaha qodista shidaalka.
Dowladda Turkiga oo gadaal ka riixaysa qorshaha shidaal-qodista ayaa, sida ay sheegeen warar lagu kalsoon yahay, safarkan ayaa qayb ka ah qorshayaal ay Ankara ku khaldayso ra’yiga bulshada ee ku aaddan khilaafka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muddo-kororsiga iyo doorashooyinka la isku khilaafsan yahay.
Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli go’aanka jadwalka doorashada ee ay dhowaan shaacisay dowladda federaalka ee muddo-dhaafka ahi uu buuq iyo xiisad culus ka abuuray gudaha dalka.
Dhinaca kale, mucaaradka iyo daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa hore ugu eedeeyay Turkiga inuu dhinac ka yahay xaaladda murugsan ee siyaasadda Soomaaliya, isla markaana uu damacsan yahay inuu madaxweynihii hore ee Soomaaliya xukunka ku sii hayo.
GAROWE ONLINE