Aadan Madoobe oo amar dul-dhigay taliyeyaasha ciidamadda

Image
Kulankan ayaa lagu soo hadal-qaadey dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee argagaxa ku riday shacabka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka-Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa, ugu horeyn, warbixin ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka-sida oo guulo waaweyn ka soo hooyay la dagaalanka Khawaarijta iyo sugida amniga guud ee dalka, waxaana kulanka diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha amniga guud ee dalka iyo ka hortaga dhagarta Khawaariijta.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee bulshada dhexdeeda ka soo cusboonaaaday, iyadoo Taliyaha Boolisku ka warbixiyay kiisas dil ah oo maalmihii u dambeeyay ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Qoryooleey.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa talisyadda Ciidamada Qalabka-sida gaar ahaan taliska Booliiska Soomaaliyeed waxa uu ku amray in arxan laawayaashii geystay falalkaan ka baxsan diinta Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed iyo bini'aadanimadda lasoo qabto goob walba oo ay ku sugan yihiin, isla-markaana la horkeeno cadaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM