Aadan Madoobe oo shaqadii baarlamaanka u raray Kismaayo

Image
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa uu maanta ka dagay xarunta ku meelgaarka Jubaland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo gaaray Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda ku meel gaar ka ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa halkaasi si weyn loogu soo dhoweeyay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay wehliyaan Gudddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar Iyo xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Kismaayo ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)Guddoomiyaha Golaha wakiiladda ee dowlad goboleedka Jubaland,wasiiro Iyo Xildhibaano  Iyo qeybaha Kala duwan ee bulshada Magaaladda Kismaayo.

Ujeedka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka uu ku tagay Magaaladda Kismaayo ayaa ah banbaxa Guddiga Joogtada, waxaana Magaaladda Kismaayo ka dhici doona kulamada Guddiga Joogtada oo looga hadli doono dejinta jadwalka kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM