Abaabul siyaasadeed oo ka socda G/Hiiraan ka dib xil-ka-qaadis lagu sameeyey duqii Beledweyne

Image
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ka soo jeeda gobolkaasi ay dhaliilsanyihiin maamulka Hirshabeelle.

Beledweyne, Soomaaliya - Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee maamulka Hirshabeelle ayaa xilka ka qaadday Duqii magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan marwo Nadar Tabaax Maalin.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle ayaa soo saartay Wareegto Xil ka qaadis iyo magacaabid ah, iyada oo xilka ay ka qaadday marwo Nadar Tabaax u magacaawday Cabdullaahi Salaad Kugeey.

Xilka qaadista ayaa isha dadweynaha ku soo jeedisay dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee ka socda gobolka Hiiraan, xilli qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ka soo jeeda gobolkaasi ay dhaliilsanyihiin maamulka Hirshabeelle.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu si weyn u dhaleeceeyay qaar ka mida xildhibaanada maamulka ku matalaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sidoo kale hore uga soo horjeestay xil ka qaadis ay ku sameyeen maamulka Hirshabeelle, isaga oo ku dhawaaqay maamul u gooni ah oo ula magac baxay “Hiiraan State”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM