Abaanduulihii guutada 18-aad ee Gorgor oo ku dhintay dagaal ka dhacay deegaanka Caad

Image
Taliye Suulnuug ayaa qeyb ka ahaa dadaalada ay ciidamada dowladda kula wareegeen degaano hor leh.

Caad, Soomaaliya - Abaanduulihii guutada 18-aad ee Gorgor Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug ayaa maanta loo dilay dhaawac ka soo gaaray dagaal ciidamada dowladda ay kula galeen Al-Shabaab deegaanka Caad ee Gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa ka dhashay weerar ay ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku qaadeen fariismo ay kooxdu ku lahayd duuleedka deegaanka Caad.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka tacsiyadeeyay Geerida abaanduulihii guutada 18aad ee GorGor isaga oo yiri:

“Waxaan u tacsiyadeyneynaa Ehelkiisa, CXDS iyo Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaan Shahiidka Ilaahey SW uga baryeynaa inuu Janadii Firdowso ka waraabiyo.”

Taliye Suulnuug ayaa qeyb ka ahaa dadaalada ay ciidamada dowladda kula wareegeen degmooyin iyo deegaano dhaca gobollada Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM