Abiy Axmed oo sare u qaadey tuhunka xiriirka uu la leeyahay Farmaajo

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra'iisul wasaare Abiy Axmed oo dhowaan la hadlay baarlamaanka Itoobiya ayaa shaaciyey in aysan Soomaaliya ka rabin dekad balse ay ka dhoofinayaan cusbo, sidda uu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya kana mid ah hogaanka Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin lix kamid ah xisbiyadda dhaliilsan siyaasadda dowladda Farmaajo ayaa hadalkaas u sheegay warbaahinta.

Isagoo xalay war-fidiyeenka ugu waramay xarunta Madasha, hogaamiyaha xisbiga Midowga iyo Nabadda ayaa ku booriyey madaxweyne Farmaajo in uu bulshadda sharaxaad ka siiyo dhawaqa cusub ee kasoo yeeray Abiy Axmed.

"Madaxweynaha dadka hala hadlo, waa ku celineynaa mudane madaxweyne adigoo mahadsan dadka la hadal waxa jirana u sheeg, dadka la hadal xaalada jirta u sheeg haday macaan tahay oo guula tahayna u sheeg oo u caddey si ay ugu qanci karaan haddey qaraar tahayna u sheeg, labada ayagaa iska leh, dalka waa dalkoodii dantana waa dantoodii," ayuu ka dhawaajiyey.

Hadalka cusub ee wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa kasoo yeeray ayaa dhinac marsan erayo horey looga hayo madaxda labada dal oo ahaa in ay kala saxiixdeen heshiisyo ku qotoma maalgeshigada dekado.

Wuxuu raaciyey Xasan: "Laakiin, maalin walba sidda hadda uu madaxweynuhu [Shariif Sheekh Axmed] dhayey Abiy Axmed in uu noo sheeg; hadda maalin dhaweyd markii uu baarlamaankiisa ka hadlayey waxyaabo kale oo kasii dhib badan [ayuu sheegay] 'Soomaaliya dekad aan markab ku xirano kama rabnee cusbo ayaan ka rabnaa in aan ka dhoofino' [buu yiri] iyo wax lamid ah; waxyaabo badan ayaa laga sheegayey; waxaasi dowladeyna kama hadasho, ma sheegto; maxaanan loo sheegaynin, hadii ay tahay dowlad in ay dowlad kale la gasho heshiis kale, oo ay cilaaqaadkeeda hagaajiso, masaaliix badan oo la wadaagayo ay abuurto, waa waxay dowlad u tahay, laakiin nidaam baa la sameeyay, wadadaas in lasoo maraa la rabaa, nasiib darro weyn waaya oo na haysato".

Hanaanka shuruucda dalka xeerineyso marka heshiisyo kala galayo wadamo kale waa in marka hore lasoo marsiiyo Golaha Wasiiradda kadibna baarlamaanka ugu dambeynna uu qalinka ku duugo madaxwenaha qaranka.

Sidda ay rumeysan yihiin siyaasiyiinta mucaaraadka, heshiiska maalgashiga dekadaha ee dhexmaray Farmaajo iyo Abiy Axmed lama marsiin habraaca, "taas oo la macno ah in ay yihiin sharci darro".

"Annaga iyo Itoobiya cilaaqaadkeena baryihii dambe soo hagaagayey iyo taariikhdii dhibka badneyd ee soo dhawaaneysay, meesha ayay kasii baxeysaa, shaki ayaa sii abuur-maya iyo sii kala socod; taariikhdii hore maa run ah, mar walba way soo noqnoqoneysaa," ayuu Xasan Sheekh raaciyey.

Abiy Axmed iyo Farmaajo ayaa sanadihii lasoo dhaafay lahaa xiriir aad u dhow, waxaana ciidamadda Itoobiya ay ku garab siisay hogaanka hadda jooga Villa Soomaaliya faragelin siyaasadeed oo ka dhacday qaybo kamid ah waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM