Abuu Mansuur oo la sheegay "in uu ka badbaaday isku day khaarijin ah"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Rasaastii xalay laga maqlay hoyga lagu hayo Mukhtaar Roobow Cali ee Muqdisho wuxuu ahaa isku day la rabay in lagu dilo mid kamid ah aas-aasayaashii Al-Shabaab, sidda uu shaaciyey Xildhibaan.

Xabadahaas ayaa sababay geerida mid kamid ah ilaalada guriga. Warar ayaa sheegaya in nolosha lagu qabtay askarigii falkaas geystay.

Askariga dhintay ayaa magaciisa lagu tilmaamay Aweys Cabdullaahi Xaashi, kaas oo ahaa Dable ka tirsan hay'adda nabad-sugida ee NISA.

Sharcidejiye Maxamed Idiris Ganey oo ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in "shirqoolkaas" uu ka badbaadey Abuu Mansuur.

"Ujeedada ugu weyn waxay ahayd in lagu dilo [Mukhtaar Roobow], lana yiraahdo ilaaladiisa ayaa dishay askarigii dilayna waa la hayaa," ayuu mudanaha ku sheegay wareysi uu siiyey idaacada maxaliga ah ee Kulmiye.

Maxkamadeyn

Madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayuu tibaaxay "in ay horey uga digeen qorshe kasta oo ujeedkiisu yahay in xabsiga lagu sii haayo Abuu Mansuur isla markaana aakhiritaankii halkaas lagu khaarijiyo".

"Xukuumadda haddii ay ku haysto in uu sharciga meel uga dhacay cadaalada ayaa lagu kala baxaa, mooyee ma ahan in maalinba lagu hayo xaafad ama qaybo kamid ah Muqdisho," ayuu hadalkiisa ku daray.

Mr Ganey ayaa mar kale soo jeediyey in xorriyadiisa loo celiyo Abuu Mansuur ama maxkamad lasoo taago hadii caddeymo loo hayo kiiskiisa.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo shaqaaqadii xalay ay kasoo saareen Hay'addaha Ammaanka. Si lamid ah, lama jawaabin eedeyntan culus.

Abuu Mansuur oo sidoo kale soo noqdey afhayeenka xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa dhamaadkii 2018-ka laga soo qabtay Baydhabo xilli uu u sharaxnaa madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed.

Tan iyo xiligaas wuxuu xabsi guri ku yahay Muqdisho. Markii u dambeysay, waxaa lagu waramay in loo wareejiyo guri ku yaala degmada Warta Nabadda, halkaas oo ay ku ilaalinayaan askar ka tirsan hay'adda sirdoonka Qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM