Afar arrimood oo sababay hakadka ku yimid gulufka ka dhanka ah AS

Image
Muxaafidka ayaa tani ku macneeyay "xeelad ciidan," halka mucaaradka ay ku qeexeen "fashl istaraatiijiyadeed".

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgaladdii sida joogtada ah uga socday Soomaaliya dhowrkii bilood lasoo dhaafay ayaa waxaa hakad uu ku yimid iyadda oo dowladda federaalka aysan wax fahfaahin dheeraad ah ka bixin joojintan.

Tani ayaa sababtay hadal-heyn, guux iyo tuhun ay muujinayaan dadweynaha dhexdiisa ah. Dadka taageersan dowladda ayaa dib-u-gurashadan waxa ay ku macneeyeen "xeelad ciidan iyo dib-isku-habeyn".

Hase ahaatee, mucaaradka dowladda waxa ay ku tilmaameen "fashil muujinaya in markii hore dagaalka lagu galay qorshe xumo". Hadaba, Garowe Online ayaa kusoo koobaya afar arrimood oo khuburada ay u tiirinayaan hakadkan yimid.

Kala shaki ciidanka

Ku dhowaad shan qof oo kamid ah dadka aadka ugu dhuun-daloola arrimaha howlgalada ciidamadda waxay xaqiijiyeen inuu jiro kala shaki baahsna oo soo kala dhex-dhigay qeybaha kala duwan ee ciidamadda xoogga.

Tuhunkan ayaa si gaar ah waxa uu cirka isugu shareeray ka gadaal markii ay kordheen dhabar-jabinta iyo weerarada gaadmadda ee imaanaya marka madax sarre soo booqdaan goobta ay xilligaas askarta joogaan.

Weeraradda gaadmadda ah oo qaarkood lagu laayay taliyeyaal ciidamo sar-sarre yaa badankooda dhacay hal waqti taasoo ah kadib salaadda subax. Illaa haatanna, ma jirto cid xil looga qaadey ama loo ciqaabay.

Xarig-jiid ganacsi

Macluumaad ay xaqiijiyeen ugu yaraan saddex qof oo aad uga war haya, mas'uuliyiinta dowladda federaalka ayaa tartan adag waxa ay u galeen in ay macaash badan ka sameeyaan howlgaladda ciidamadda.

Xubnahan oo ku daaban xafiisyadda ugu sareeya dalka ayaa si gaar ah waxa ay u bartilmaameedadeen saadka iyo hubka ciidamadda. Baratankan wuxuu abuuray xaalad is-jilaafeyn mas'uuliyiinta dhexdooda ah.

"Waxaa lasoo wariyay in mararka qaarkood sahayda ciidamadda loo daahiyey si loo fashiliyo mas'uuliyiinta gacanta ama ka macaasheysa saadka, taas oo aad u xanuun badan," ayuu yiri mid kamid ah illo wareedyadda.

Mowjado la furay

Dabaylo siyaasadeed oo ay gadaal ka riixayaan dhinacyo kala duwan iskana soo horjeeda ayaa soo-shaac-baxay kadib markii ciidamadda xoogga ay ku guuleysteen qabsashadda dhul ballaaran oo kooxda ay haysatay.

Mowjadahan ayaa isugu jiray qaar ka imaanayay gudaha iyo dibadda. Ka bilow furitaanka dastuurka illaa heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland, waxay ahaayeen kuwa hoos u dhigay dardargelinta gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qudhiisa waxa uu xaqiijiyey in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland uu fursad u siiyay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida in ay hesho "dhiig iyo dagaalameyaal cusub oo horleh".

Dedaal hal qof ah

Siyaasiyiin isugu jira qaar haatan ku jira goleyaasha dowladda iyo kuwa mucaarad ah ayaa si wadajir ah isugu raacay "in dagaalka lala galay Al-Shabaab uu kaliya daacad ka yahay madaxweynaha".

Dadka aaminsan aragtidan ayaa waxa ay daliishanayaan sidda uu joogtada ah uu uga soo muuqdey furimaha dagaalka, waxaana ay ku dhaliilayaan saaxiibaddiisa in ay kaliya ka eeganayeen dano dhaqaale qaarna ka dhuunteen.

Sikastaba ha ahaatee, madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayay ku noqon doontaa waji-gabax ballaaran haddii uu dagaalka Al-Shabaab uga tago qabyo maadaama uu yahay hadafyada ugu waaweyn uu xaqiijiyey tan iyo May 2024-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo ka dalbatay Iraq in labo arin ka caawiso

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa ku sheegay booqashadiisa Baqdaad inay ahayd mid guul leh.

  • Soomaliya

    15-01-2025

  • 12:54PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo ka digay faafinta "cabsi iyo welwel" ku saabsan mustaqbalka dalka

Dowladda ayaa sidoo kale xustay inay sii wadi doonto wadahadallada iyo is-afgaradka la leh dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    15-01-2025

  • 11:19AM