Afar diyaaradood oo laga leeyahay Kenya oo ku burburay Soomaaliya
NAIROBI, Kenya – Afar diyaaradood oo laga leeyahay Kenya isla markaana ah nooca duulimaadyada maxaliga ah sameeya ayaa ku burburay qaybo kamid ah Soomaaliya, saddexdii bilood ee lasoo dhaafay.
Bishii May 4-teeda, diyaarad ay lahayd shirkada African Express ayaa ku dhacday meel ku dhow garoonka magaalada Berdaale ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Lix qof oo saarnaa ayaa la xaqiijiyey in ay dhinteen.
Ciidamada Itoobiya ee aan kamid ahayn howlgalka AMISOM ayaa qirtay in ay ka dambeeyeen. Taliskooda wuxuu ku dooday in ay uga shakiyeen gaari ay leedahay Al-Shabaab ah oo is-miidaamin dabamacsan.
Isla bishaas 25-keeda, diyaarad ku diiwaan-gishan 5Y-VVA ayaa lagu rasaaseeyay magaalada Qansaxdheere. Wallow aysan caddeyn cidda ka dambeysay, dowladda waxay ku eedeysay maleyshiyadda Al-Shabaab.
Shilkaas ma uusan ka dhalan wax burbur ah, diyaaradana waxay duuliyeyaasha ku guuleysteen in ay si nabad ah ku dejiyaan.
July 4-teeda, diyaarad kale ayaa shil ku gashay garoonka Baardheere xilli ay dooneysay in ay degto. Saraakiisha waxay sheegeen in dhacdadaan ay dambeysay markii mid kamid ah cagaheeda uu banjaray.
Isla bishaas July 14-keeda, diyaarad ka timid Jabuuti isla markaana laga leeyahay Kenya ayaa ku burburtay garoonka Beledwayne. Ma jirin dhimasho, balse warar kala duwan ayaa laga faafiyey sababta dhalisay.
Maareeyaha duuliyeyaasha diyaarada wuxuu ku eedeeyay Dameer, halka mas'uuliyiinta oo beeniyey ayaa tibaaxay in duuliyaha oo ku cusbaa garoonka uu jiho qaldan ka yimid kuna dhacay caro tuur.
Bluebird Aviation Limited oo fadhigeedu yahay caasimada Kenya ee Nairobi isla markaana shaqeyneysa tan iyo 1992-dii ayaa iska lahayd diyaaradan oo lagu farsameeyay gudaha waddanka Australia.
Dowladda ayaa sheegtay in ay baareyso burburka diyaaradahaan, balse wali ma aysan soo bandhigin natiijadda. Khuburo ayaa rumeysan in shilalka soo noqnoqda ay sumcad dilayaan garoomada dalka.
Dhacdooyinkan ayaa waxay kusoo hagaagayaan xilli xiriirka u dhaxeeya Muqdisho iyo Nairobi uusan hagaagsaneyn isla markaana uu dhexyaala kiis dhanka badda ah, kaas ku saabsan goob hodan ku ah kheyraad.
GAROWE OLINE