Agaasimaha hay'adda sirdoonka Mareykanka oo ka dagay Muqdisho

Image
William Joseph Burns ayaa garoonka Aadan Cadde kula kulmay madaxwayne Xasan Sheekh iyo agaasime Mahad Salaad.

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha mukhaabaraadka Mareykanka ee CIA, William Joseph Burns ayaa socdaal qarsoodi ah Arbacadii wuxuu ku tagay Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen illo xog-ogaal ah.

William ayaa garoonka Aadan Cadde kula kulmay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyadda oo uu goobjoog ahaa madaxa hay’adda sirdoonka Soomaaliya NISA, Mahad Maxamed Salaad. 

Wararka ayaa sheegaya in wadahadalkan ay albaabada u xirnaayeen lagu lafaguray la dagaalanka AS, xoojinta iskaashiga dhanka ammaanka, xaaladihii ugu dambeeyay gobolka iyo caalamka.

William Joseph Burns wuxuu socdaal ku marayaa wadamadda gobolka Geeska Afrika isaga oo maalmo ka hor joogay dalka Kenya halkaas oo uu kula hadlay madaxwayne William Ruto iyo mas'uuliyiin kale.

Safarkan ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli ay jirto xiisad u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya taas oo salka ku haysa is-faham milatari iyo difaac oo ay Addis Ababa la gashay maamulka Somaliland.

Socdaalkan ayaa sidoo kale wuxuu imaanayaa xilli Muqdisho ay Arbacadii shalay ay hawada ka celisay diyaarad siday wafdi Itoobiyaan ah kuwaas oo Hargeysa ugu socday dhameystirka is-fahamkaas.

Dhanka kale,Gaari ay saaran yihiin askar Itoobiyaan ah kuna hubeysan qoryaha wax shiisha ayaa lagu arkay gudaha Hargeysa. Illo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in ciidankan ay galbinayeen kolanyo heer sarre ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM