Agaasimaha sirdoonka Soomaaliya oo u socdaalay Imaaraadka Carabta

Image
Socdaalkan ayaa imaanaya xilli xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi uu xumaadey muddooyinkii ugu dambeeyay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa safarkiisa u horreeyay oo dibadda ah ku aaday Imaaraadka Carabta.

Sidda ay wararku sheegayaan, Sanbaloolshe ayaa lagu waddaa inuu wadahadalo la yeeshay qaar kamid ah madaxda mukhaabaraadka waddankan ku yaalla Khaliijka.

Sanbaloolshe oo badalay Mahad Maxamed Salaad ku dhowaad labood kahor ayaa waxa uu kahor safarkiisa ku sugnaa gobolka Hiiraan halkaas oo uu ka waday xalinta tabashooyinka reerkiisa.

Socdaalka Sanbaloolshe ee Imaaraadka ayaa ku soo aaday, iyadoo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu bilihii la soo dhaafay mugdi galay, isla markaana Imaaraadku joojiyey mushaarkii iyo agabkii kale ee ay ciidanka siin jireen.

Horraantii sanadkan ayay aheyd markii xerada Jeneraal Gordan ee Muqdisho lagu dilay Saraakiil u dhalatay Imaaraadka oo ahaa saraakiishii qaabilsaneyd howlgalka tababarka ciidamada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM